Sir La Qarxiyey Oo Aan Dad Badan Ogeyn Laakiin Adigana Maanta Fiiri

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sir La Qarxiyey Oo Aan Dad Badan Ogeyn Laakiin Adigana Maanta Fiiri

    Bishii Disembar 23-keeda 2011 waxay qoraal ay soo saartay dawlada Ingiriiska ku sheegtay ajendaha shir ay ugu baaqday inay u qabaneyso Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid ay ka dhex guuxayaan hargardaamooyin wiiqaya qaranimada iyo madax bannaanida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii Disembar 23-keeda 2011 waxay qoraal ay soo saartay dawlada Ingiriiska ku sheegtay ajendaha shir ay ugu baaqday inay u qabaneyso Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid ay ka dhex guuxayaan hargardaamooyin wiiqaya qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.


Waraaqaha Ingiriiska waxaa ka dambeeyay dukuminti ay diyaasisay dawlada Talyaaniga oo si cad oo faahfaahsan u qeexaya qorshaha Ingiriiska ee Soomaaliya. Haddaba qoraalkan wuxuu ku saabsan yahay dukumintiyadii Talyaaniga oo aansidooda u soo tarjunay, anagoo meelaha qaarna raacinay faahfaahin si loo fahmo.

Sirtii uu Kashifay Talyaaniga Iyo Naqshada Maxmiyada Cusub Soomaaliya


Sida ku qeexan waraaqo dawlada Talyaaniga diyaarisay oo ka hordhacay shirka London ee furmi doona 23-ka Febraayo 2012, waxaa la dejiyay naqshad cusub oo loogu talagalay “maamul maxmiyadeedka cusub” ee loo qoondeeyey in dalka la geliyo laga bilaabo bisha Agoosto ee sanadkan 2012.

Waraaqahaasi ayaa tilmaamaya in 21-ka Agoosto 2012 ay dalka la wareegi doonaan koox la yiraahdo “Wakiilada Wadajirka ee Gaarka” ama “Joint Special Representatives”. Waxay isugu jiraan labo qeybood oo mid qaabilsan tahay maamulka mida kalana siyaasadda. Waxayna kooxdan dalka maamulayaan illaa 21-ka Agoosto 2013-ka.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip