" />

Madaafiic Muqdisho Xaafad ka mid ah lagu garaacey.

0
01 January, 1970 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic Muqdisho Xaafad ka mid ah lagu garaacey.

    <script type="text/javascript"><!-- google_ad_client = "pub-8798808753715344"; /* 468x60, created 5/12/10 */ google_ad_slot = "3001744512"; google_ad_width = 468; google_ad_height = 60; //--> </scri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaafiic ku dhacday xalay deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeenlay ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.

Sida ay shabelle u xaqiijiyeey dadka deegaanka Kaxda ee dharkeenlay waxaa xalay deegaankaasi ku dhacay madaafiic qalqal galisay dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Inta la ogyahay madaafiicdaasi ayaa waxa ku geeriyooday hal ruux halka lix kalane ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantoodba ahaa dad rayd ah oo madaafiicdu ugu tagtay meelaha ay ku sugnaayeen

Goob jooge lagu magacaabo maxamed ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka oo madaafiicda kadib la hadlay shabelle ayaa sheegay in madaafiicdu ay bilaabatay intii lagu guda jiray salaadii maqrib madaafiicdana ay ka socotay muda saacada ah deegaanka Kaxda, waxaana dadkii dhaawacmay sida uu inoo sheegay goobjoogahaasi ay heli waayeen adeegyo caafimaad oo degdeg ah taasi oo keentay in dadkii dhaawacmay ay 7 gar-gaar la’aan awgeed u dhiig baxaan.

Sidoo kale maxamed ismaaciil waxa uu inoo sheegay in wax dagaal ah deegaanka ay ka soconin xiliga ay soo dhacaysay madaafiicda waxaana uu cabasho ka muujiyay madaafiicda soo laalaabatay taasi oo saameen ku yeelatay dadka deegaanka waxaana taa badlkeeda uu codsi u diray dhinacyada soomaalida in la yareeyo madaafiicda aan loo meel dayin ee lagu garaaco degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeenley ee Muqdisho ayaa marar badan waxaa kusoo laalaabatay madaafiic qasaaro u gaysatay dadka shacabka iyadoo halkaasi ay ku noolyihiin dad badan oo barakacayaal ah iyo kuwo horay ugu sugnaa halkaasi

Wixii Warar ah eek u soo kordha waxaad kala socon doontaan Baidoa News Media www.baidoanews.com ama http://www.baydhabanews.com/ oo si is daba joog ah aad uga heleysaan wararkii Dalka iyo Caalamka

Mohamed Ali Mohamud ( Madka)

Xafiis Wareedka BaidoaNews.com ee Muqdisho

Tel: 00252-61-5573762

00252-699-964128

00252-69-5573762

00252-62-371252

Email: madkacali@hotmail.com

Face Book: www.Facebook.com/mmadka1

Twitter: www.twitter.com/madkacali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip