Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa bilaabay in ay ka qeyb qaataan dagaalka safka ballaaran ah ee ka socda hareeraha magaalada Kismaayo ee xarunta wilaayada Jubbooyinka.
Mas'uuliyiin katirsan Xarakada shabaab ee Dagaalka Xun Lagu Haayo ayaa hadallo ka jeedinayay Idaacadda Islaamiga Andalus ee magaalada Kismaayo Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Milleteriga oo si Live ah uga hadlaya Andalus ayaa sheegay in ciidanka difaaca cirka wilaayada uu iska caabiyay diyuurado dagaal oo dhowr mar ku dul haaday magaalada kismaayo oo kenyana shaacisey ineyba gudaha u gashey.
"Allaahu Akbar Cadawgu dagaalka way ku jabi doonaan bi'idnillaahi muslimiinta waxaan ugu bishaareynaynaa in cadawgu nafla caari yahay mujaahidiintuna ay fahmeen khidadaha dagaalka cadawga,waad ujeedaan diyuuradaha dagaalka gaalada waa layska caabinayaa insha'allaah saacadaha soo socda waxaan fileynaa nasri"ayuu yiri"Abuu Muscab oo si live ah wareysi usiinayey Idaacada Radio Andalus ee Laanteeda Kismaayo.
Wariyaasha Idaacadda Andalus oo si toos ah ugasoo waramaya jiidda dagaalka ayaa soo tebinaya in ciidanka cadawga uu soo laadhi la'yahay xeebta oo ah halka ay xalay saqdii dhexe maraakiibtu kusoo daadiyeen, waxayna qiyaas ahaan ciidanka kenya ay joogaan meel 10 KM Ujirta Magaalada laakiin Afhayeenka militiriga Kenya ayaa asna idaacadaha kasii sheegeyba iney Kismaayo Galeen Ciidankooda laakiin Xaqiiqda waa Weli.
BANA
Al Shabaab Oo Ka Hadashey Dagaalka Maanta Kismaayo
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa bilaabay in ay ka qeyb qaataan dagaalka safka ballaaran ah ee ka socda hareeraha magaalada Kismaayo ee xarunta wilaayada Jubbooyinka.