Xaflad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Golaha Malaaqyada, maamulka degmada, saraakiisha ciidanka, Madaxda Ethiopianka Baydhabo joogta & Maamulka gobolka Baay ayaa waxay manta ka dhacdey isla magaaladaasi Baydhabo.
Xafladaan ayaa waxay aheyd mid lagu soo xirayey tababar ciidan oo inmudo ah ka socdey Baydhabo waxaana malaaqyadii kasoo qeyb galey xafladaasi laga wada saxiixey in ciidamada tababarka loo soo xirey aaney aheyn ciidamo Qabiil ay yihiin Ciidan QARAN.
Malaaqyada ayaa dhamaantood wada saxiixey Soo jeedintii loo jeediyey ee ahayd in ciidamada tababarka loo xirayey aysan aheyn kuwo Beeleed waxaana durbadiiba ciidankii Tababarka loo soo xirey loo qeybiyey Dhar Ciidan oo shalay dayaarad lagu keeney.
Waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi maalita sabtida ah loo qeybiyo Hubkii ay ku howl gali lahaayeen ciidankaasi oo balan qaadey iney wax weyn ka qaban doonaan Amaanka Magaalada Baydhabo.
waxaa xaflada ka hadlay G/Gobalka , Jeneraal Mad Mad ,Talyaha Qeybta ,Jeneraalka Itoopiya Mr. john
Malaaqya farabadan.
Guddoomiyaha Guddiga Isku xirka iyo Hormarinta Shacabka G/Bay
Mudane: Saabir Olaad Golli
BANA BAYDHABO
Daawo Tababar Lagu Soo Xirey Baydhabo Maanta+ Sawiraan