Walaal saad ka dareemeysid qoralka sare ka muuqdo inaan goob jooge ka ahaa qaladaadkii tirada badnaa ee soo marey maamulka Degmada Baydhowy laga soo bilaabo 1991 ilaa 2012 .
Hadaba waxaan rabaa inaan idin soo xasuusiyo sidii looga bixi lahaa maxayeley idinma oran karo waxaan idin shegayaa waayo ogaalkiina ayaa iga badan.
Marka aan u gudo gallo aragtideyda yar waxaa la yiraahda taariikhdu waa macalin dadkey wax bartaa haddii qof raacdo ay hesho,hadaba waxaad ogsoon tihiin Magalada Baydhowy iney tahay magaalo weyn oo dad badani ay ku nool yihiin marwalbana mamulkii loo diso cilad ayuu yeesha oo isla makiiba soo muuqda ,dhibkaasi so jireenka waxaa looga bixi karaa
1-waa inuu noqda qofka magalda Baydhawy Mayer ka naqanaya shaqsi ku dhashey,ku barbaarey,waxku bartey ,degan ,goobjooge ka ahaa xiliyadii Xumeyda jirey.
waayo qofkani oo 40jirka ah ama ka badan waxaa uu og yahay cabirkii dhismaha Baydhow shacab iyo dowladba meeley ku ekayeen uma baahna marqaati iyo xogwareysi,qofna lama soo hor istagi karro aragti qaldan oo umada iyo dalkaba maxaa yeeley baydhawy iyo caruurtisa isku daryeel ayuu u arkaa marka samata bixintaDegmada Baydhowy laga hadlaayo D&M nambarkuu doono haka ahaado.
2- Taliye saldhig iyo gudomiye maxkamada heer degmo iyaguna waxay la mid yihiin mayerka iney kasoo jeedan baydhawy.
Maxaa yeeley hadaan tusaale gaaban ka bixiyo waxaa bishi oktobarta soo dhaafney in labo qof isku dacaweyeen dhul dowlada ay lahayd gaar ahaan Beertii Dhirta iyo Daaqa ku tiiley Bundada Baydhawy,Taliyaha saldhiga waxaa uu ugudbiyey maxkamada maxkamadiina waxay labadii qof u dirtey cadeymo iyo marqaatiyo dhulkii dowliga ahaa jawaabtu haddii uu taliyaha ama qaaliga ay degaan ahaan lahayeen dowlad baa leh ka taga meesha ayay oran lahayeen.
3-dhisida mamulka degmada iyo xubnihiisuna iyan kuwii shariif xasan sameeyey iyo kuwii ka horeeyey ba waa Yaan lakala bixin maxaa yeeley waa sodon xubnood ku dhowaad oo iyaga isku maqan maalinkastana moshin isu dabahaysto iyadoo umadii ay sugeyseyna dacuun cisbitaal dawo la’aan ah ay ugu babayeen cidii xasuusa ta og.
Hadaba mamul tiro yar tayana leh sida gudomiye kuxigeen,gudomiye arimo bulsho taliyaha boliska degmada kan nabadsugida xoghayaha dowlada hoose wixii intaas ka badan shaqale caadi ah ha noqdaan.
Isku soo wada duub muhimada Baydhowy waa Murayadii D&M waxay tabaysaa masuul degaan ah ,dacad ah dadku ay jecleystaan.
Fikirkeyga yari waxaan ku soo gebagebeynayaa Ilaahow waafiji qofka megaladeena maamul u dhisaya midka noogu fiican kana reeb midka nogu shar badan.
Madyerow BANA Baydhabo
Gurby Hory Ly Gubuty Gaal Wal Ingsheegho Qaby " Baydhowy "
Walaal saad ka dareemeysid qoralka sare ka muuqdo inaan goob jooge ka ahaa qaladaadkii tirada badnaa ee soo marey maamulka Degmada Baydhowy laga soo bilaabo 1991 ilaa 2012 .