• Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Ileys Inc
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Gudoomiyihii Golaha Malaaqyada Koonfur Galbeed Oo 3piano Lagu Diley

4
Friday November 09, 2012 - 18:33:14 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 1758
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Golaha Malaaqyada Koonfur Galbeed Oo 3piano Lagu Diley

    Wararka haatannaga soogaaraya Dagmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhaw lagu dilay Malaaq Isaaq Ibraahim " Isaaq Uus " lagu naaneeso Allha u naxriistee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Wararka haatannaga soogaaraya Dagmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhaw lagu dilay Malaaq Isaaq Ibraahim " Isaaq Uus " lagu naaneeso Allha u naxriistee.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Dagmada Waabari ee Gobolka Banaadir gaar ahaan halka looyaqaan Masaajidka Muuse Boqor.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, Malaaqa ayaa inta uusan dhiman waxa isagoo dhaawac ah loola cararay isbitaalka Daarul- Shifa oo ku dhow agagaarka halka lagu weeraray, hase yeeshee markii dambe ayuu halkaasi dhaawac ahaan ugu dhintay.

Dilkaan ayaa waxaa fuliyay sida la sheegay dad kuhubeesnaa Baskoolado kuwaas oo la tilmaamay markii aydilka geesteen ay durbadiiba goobta kabaxsadeyn.

Malaaqa La Diley ayaa wuxuu kamid ahaa malaqyadii ka qeyb galey Shirkii Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, wuxuuna kamid ahaa malaaqyadii soo xuley Xildhibaanada Cusub ee hada jira wuxuu ahaa Malaq si weyn loogu yaqaano dhulka koonfureed gaar ahaan KG Soomaaliya,.

Illaah ha u naxriistee Malaaq Isaaq Ibraahim wuxuu ahaa Malaaqii Beesha Luwaay Shan Gamaas , sidoo kale Gudoomiyaha Golaha malaaqyada Koonfur Galbeed Soomalaiya,

Malaaq Isaaq Wuxuu Ahaa Qof Cod Kar ah, Geesi ah Aan garta la ga gabanin, inta badana Hadalka Runta ka sheega, wuxuuna ahaa Qof Aad Ula Socdey Xaalada Siyaasada Dalka, wuxuuna in badan ka hadli jirey xaalada Deegaamada Koonfur Galbeed , Tolow Malaaq Yaa Diley Ma Waxaa Diley Maleeshiyaad Beeleedyada Hubeysan oo beelaha qaar ay u arkeen Iney Is Dhaafsiyaan mise waxaa la dhihi doonaan Koox kale ayaa dishey?

Daawo Muuqaal Uu Malaaqa Ugu Hadlayo Xaalada Magaalada Kismaayo:

http://www.youtube.com/watch?v=5qYjEpvPlzw&feature=plcp



FG: Halkaan Taabo si Aad U Aragtid Shirkii Istanbul Ee Uu Ka Qeyb Galay Malaaq Isaaq Ibraahim Ilaah Ha U Naxriistee

http://www.baydhabanews.com/view.php?id=11606



Abowasharow
  • 4 Comments

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc