Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa manta ka qeyb Galey Siminaarkii Habka Maamul Usameynta lagu barayey Dadka kasoo jeeda koofur Galbeed Soomaaliya.
Jawaari oo la hadlay dadkii siminaarka maamul usameynta ka qeyb galay ayaa wuxuu ka hadlay 3 qodob oo kala ah.
1-Ugu horeenba wuxuu amaan abalaaran u jeediyey Gudigii Howsha wadaay iyo dadka ka qeyb galay Amaan, gudigii howshooda dhamaatay.
2-Jawaari wuxuu sheegey in Gudihii howshaan waday shaqadooda ay ku egtahay Berito oo siminaarka lasoo xirayo.
3-Waxaa jira dad badan oo isku dayaya iney caqaladeeyaan Howshaan maamul usameynta Koonfur Galbeed laakiin waxuu ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono qofkii isku daya inuu howshaasi hor istaago.
4-Jawaari wuxuu sheegey wixii beri ka dambeeyo in marka gudiga la fasaxo uu asaga soo magacaabi doono Gudigii dhameystiri lahaa howshaan bilowga fiican asagoo sheegey inuu la tashan doono Odoyaasha Malaaqyada ah ee Muqdisho Joogo xiligaan.
Siminaarka ayaa waxaa manta xaadir ku ahaa Madaxweyniyaashii Ismagacaabey Ee Uk C/kariin Cali Yaayuurow & Siid Cali Maxamed, waxaa sidoo kale siminaarka hadlay Madaxweynaha Ganane State oo manta gelinkii dambe kasoo laabtay howgalo shaqo dhinaca shabeelaha hoose.
Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Jawaari Oo Arintaan Maamul Usameynta Ka Hadlaya.
BANA
Daawo Jawaari Oo Ka Hadlaya Maamul Usameynta Koonfur Galbeed
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa manta ka qeyb Galey Siminaarkii Habka Maamul Usameynta lagu barayey Dadka kasoo jeeda koofur Galbeed Soomaaliya.