• xayeysiis Bakaal
  • Ileys Inc
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

7da Jawaari magacabey maxay u arkaan reer Baydhowy

18
Wednesday November 28, 2012 - 16:40:45 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 2447
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7da Jawaari magacabey maxay u arkaan reer Baydhowy

    Umadi marka ay aayaheeda ka tashaneyso waxaa lama huraan ah in ay aragtida ka mideysnaadaan taas oo lagu gaari karo hadafka ay wada higsanayaan oo ah nidaam iyo maamul u arimiya danahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Umadi marka ay aayaheeda ka tashaneyso waxaa lama huraan ah in ay aragtida ka mideysnaadaan taas oo lagu gaari karo hadafka ay wada higsanayaan oo ah nidaam iyo maamul u arimiya danahooda.
Hadaba hadal haynta ugu badan ee Baydhowy ka socda ayaa ah gudiga 7da xubnood ka kooban oo uu soo magacabey Gudoomiyaha Barlamanka Somalia mudane Jawari si ay u diyariyaan mamul goboled kumelgar ah muddo halsano ah.

Ugu horeyn waxaan wax ka weydiiyey aragtidiisa ku aadan gudin iyo howsha loo soo xilsaarey md Xasan yariisow waxaa uu yiri fikirka ah mamul usameyn waa fikir saliim ah lakiin waxaa qalad ka dhici doona qaabka iyo nuuca larabo,

tusaale ahaan waxaad ogsoontihiin mudaddii afarta sanno ku dhoweyd ee Alshabaab haysatey dhamaan dhulka DM somalida kale waxaa ka dhexsocdey wacyi gelin latashiyo farabadan oo ay sameynayeen hay’ado iyo gudigii diyaarinta dastuurka federalka ah ,

xataa idaacadaha iyo telefishinada ay ka qayb gali jireen hadaba iyagoo aragtiyo iyo fikir qabasho leh ka haystaan ayay isu diyaarinayaan mamul goboleedyo lakiin anagu haddii aanu wacyigelin taas iyo ka fiican aanu dadkeenu helin waxaan u arkeynaa (KARUUGH MASALY KY DUUBUNG).

Sidoo kale waxaan aragtidiisa weydiiyey mudane Axmed Maad yarrow wuxuuna yir:maamul D&M ay u madax banana yihiin ma arko waayo waxaa taldadii dalkeena gacanta ku dhigi raba niman nala cod ah lakiin aanu nala lab ahayn waa nimanka loo yaqaano Diyaasbaro oo usoo tafaxaytey iney dalka ay u rartaan dalka ayaga abtirsiimada cusub siiyey.

Maxmuud sheik Yusuf isna wuxuu si kulul u yiri Geetha tiriye yaagha ku tabe tiri hor la araghy me e,7dan qof ee qof keliya soo sameystey ma ahan kuwo cadaalad iyo xaq u sameynkarro qowmiyada D&M oo ka kooban 34qabiil ilaa aan ka arko beelaha ugu tunka weyn uguna dhul weyn in talada waxdhisida ka mid ahadaan waxba ma ahagaagi doonaan.

Layla c/qaadir waxaan ku faraxsanahay inan arko inagoo mamul madax banana oo Somali waxlaqaybsankaro helno waxaan farayaa dhamaan D&M iney tageraan mamulka iyo dhisidiisaba.

Ugu danbeyn waxaa muqata kala shakiga iyo diidmada iyo ogolashaha iska hor imanaya ay sabab u tahay wacyagelin la’aanta haysata reer Baydhowy oo aan haysanin idaacad ay afkaartooda ka dhiibtan ama ka dhegeystaanba.

Mad Yarrow Amiin

  • 18 Comments

  • Print
  • Send to your friend

1 2 3

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc