
Go'aanadii Kasoo Baxay Shirkii Soomaali Maay Ee Wadanka Talyaaniga
Shirkaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabisey Jaaliyada Wadanka Talyaaniga ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wakiilo ay soo dirsadeen jaaliyadaha kale ee DM sida UK, Switzerland, & Netherland waxaana sidoo kale shirka lagu casumey Aqoonyahanka siyaasiga ah ah ee ENG. Saalax Sheekh Cusmaan Muuse oo xubin ka ah Gudiga Maamul usameynta 6-da Gobol ee la isku yiraahdo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Go’aanadii Kasoo Baxay Shirkii Jaaliyada Soomaali Maay Ee Wadanka Talyaaniga
1-Kulanka jaaliyadaan oo ay kasoo qeyb galeen madax ka tirsan siyaasiyiinta waxgaradka iyo Aqoonyahano ayaa waxaa qodobo dhowr ah kadib markii warbixino la is weedaarsadey .
2- in la taageero nidaamka Federaaliga ah ee maamulka loogu sameynayo Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kala ah Jubada Hoose, jubada Dhehxe, Bakoool, Geddo & Gobolka Baay.
3- In Hoo Iyo Hiilba lagu Taageero Gudiga U Xil Saaran Maamul Usameynta Gobolada Aan Kor Kusoo Xusney.
3-4- In la isku Xiro Jaaliyadaha Dibada Ee Soomaali Maay Isla markaana ay unoqdaan Isku Aragti Isku Hadaf & Ujeedo taasoo ku saleysan koryeelida Qadiyada DM & wax u qabashada dadka & deegaan
5- Natiijooyinka Shirkaan kazoo baxay Waxaa kaloo kamid ah kudhawaaqistii 3 Gudi oo kala ah.
A”Gudiga Isku Xirka Jaaliyadaha & Dibada & Gudaha
B”Gudiga Aruurinta Tacdiyadaha & Horumarinta Arimaha Bulshada
C” Lasocoshada Xaaladaha Syiaasada & Qiimeynta Siyaasiga Qowmiyada Ugu Waxtarka wanaagsan ama Ugu Liita.
6- Shirkaan waxaa looga soo horjeestay Go’aankii Ku dhawaaqista Wasaarada Arimaha DiabdaGudigii 12ka xubnood ahaa ee loo xilsaarey go’aan ka gaarida Safaaradaha kuwaasoo aan 1 ruux xitaa loogu darin Dadka Soomaali Maay.
7-Waxaa Baaq digniin ah low ada jeediyey Dowlada Federaalka & Urur Goboleedka IGAD, waxaana lagu yiri Dowlada Federaalka iney soo cadeyso dadka magaca dowladeed xambaarsan ee hadana dhul boobka ka wado Jubbooyinka, IGGAD_na waxaa la yiri iney soo cadeyso inay raali ka yihiin Dhulboobka Kenya & Xasuuqa Shacabka ay ku heyso Jubooyinka.
8- Ugu dambeyntii waxaa fariin aan mugdi kujirin loo direy kuwa iskud ayaya iney Maamul Dhul boob ah ay kasameeyaan ksiyaamo waxaaana la yiri " HOOY hadii Qaxooti meeshii lagu soo dhoweeyo uu lahaanayo Maanta Waqooyinga America in Soomaali Maay Ay lahaan laheyd
Go'aanadii Kasoo Baxay Shirkii Soomaali Maay Ee Wadanka Talyaaniga
Shirkii ka socdey magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga oo ay yeelanayeen Bahda Soomaalimaay ee wadankaasi iyo jaaliyadaha ayaa xalay soo gaba gaboobey waxaana kasoo baxay Ilaa dhowr qodob oo muhiim ah.