Dr. C/laahi Ibraahim Amaandhoorey oo ah Aqoonyahan soomaaliyeed, Saxafi, Key Aruuriye inta badana la socda xaaladaha soomalaiya ayaa wuxuu dhambaal farxadeed gaarsiinayaa walaalaha soomaaliyeed meel kastoo ay caalamka ka joogaan. Dr.ka & Xaaskiisa Oo Xiligaan ku sugan wadanka Isku Taga Imaaraadka ayaa gaar ahaan DUBAI ayaa ugu baaqey dadka soomaaliyeed iney is cafiyaan oo ay isku uur fayoowaadaan islamarkaana ay u towbad keenaan Ilaahii Ina Abuurtey.
Amaandhoorey ayaa wuxuu leeyahay Soomaaliyeey Idilkiina iga Gudooma Salaan Sharaf Badan , wixii khalad ah ama dib udhac ah ee aad soo fasheen sanadkii tagay yaan loo noqonin kan soo socda aan horey u socono oo aan gaarno dowladaha hortagay.
si gaar ah wuxuu ugu baaqayaa walaalaha Soomaali Maay Meel kastoo ay caalamka ka joogaan inay ka shaqeeyaan midnimadooda, wada jir ahaan shahooda, is walaaltinimo is jecel iyo is dugsasho, una istaagan sidii ay garab istaagi lahaayeen Gudiga Mamaul Usameynta Gobolada 6-da ah ee Arlaadii Maamul La Helaa Talo La Helaa ayaa Warkiisa kusoo koobay Dr. C/laahi Amaandhoorey.
BANA
Dr. Amaandhoorey Hambalyo Sanad Cusub U Diraya Soomaalida Oo Dhan
Dr. C/laahi Ibraahim Amaandhoorey oo ah Aqoonyahan soomaaliyeed, Saxafi, Key Aruuriye inta badana la socda xaaladaha soomalaiya ayaa wuxuu dhambaal farxadeed gaarsiinayaa walaalaha soomaaliyeed meel kastoo ay caalamka ka joogaan.