Xildhibaan Madoobe Nuunow wuxuu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu ahaa sanad qiimo badan marka loo eego sida xaalada Magaalada Baydhabo iyo waliba isbadalka ka dhacay Soomaaliya oo dhan.
"magaalada Baydhabo waxay ku guuleestay sanadka dhamaaday in ay marti galiso odoyaal isla markaana lagu soo dhiso dowlad goboleed Maamul loogu sameynayo Gobolada Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ahda dhamaantooda odoyaasha iyo gudigii maamul usameyntuba ay ku wada sugan yihiin baydhabo.
Wuxuu sheegay intaasi oo dhan in uu suurta galiyay xaalka magaalada iyo waliba isbadalka iyo Horumarka xaga nabada ah ee ka jira magaalada Baydhabo ee caasimada 6-da Gobol Ee la Jubbada Hoose, Dhexe, Shabeelaha Hoose, Gedo, Bakool & Gobolka Baay.
Wuxuu sheegay Xildhibaan Madoobe Nuunow in sanadkaan cusub uu yahay mid dhashay iyadoo dalka Soomaaliya uu ka baxay KMG islamarkaana ay ka dhalatay Dowladda cusub oo rasmi ah.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Xildhibaan Madoobe Nuunow inay ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada keeni kara ee ammaanka qal-qaleglinaya.
Hadalkaan ayaa Xildhibaan Madoobe Nuunow wuxuu usheegey Mamaulka Webka Oo in Mudo Ah Saaka ka sheekeysanayeen Arimo badan oo khuseeya deegaanada labada Gobol.
Abowasharow
Baydhabo Sanadkii Lasoo Dhaafey Waxyaabo Badan Ayaa Iska Bedeshey
Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed kana mid ah xubanaha gudiga Maamul Usameynta Koonfurta Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalada baalaran ee haatan ka jira magaalada Baydhabo oo u shalay gaarey.