Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo waliba wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Masuuliyiinta maamulka gobalka Bay ayaa shaaciyay in wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo ay ka dageen halkaasi isla markaana haatan ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu la kulmo saraakiiisha dowlada ee halkaasi ku sugan iyo waliba maamulka gobalka Bay isla markaana uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.
Xukuumada Soomaaliya ayaa wada howlo lagu dhiiragalinayo ciidamada dowlada Soomaaliya ee dagaalada kula jira kooxda dowlada ka soo horjeeda ee Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga & Wefdigiisa Oo Si Wanaagsan Baydhabo Loogu Soo Dhoweeyey Baay
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo waliba wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.