• xayeysiis Bakaal
  • xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Midowga Ardada Soomaaliyeed Ee Dalka Sudan Wax Ku Barta Oo Shirey

0
Wednesday January 02, 2013 - 18:11:51 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 248
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Ardada Soomaaliyeed Ee Dalka Sudan Wax Ku Barta Oo Shirey

    xafladaani oo halku dhigeedu ahaa Habeenkii Soomaali Weyn iyo soo dhaweynta ardayda cusub ee soomaalida ayaa waxay ka dhacday hallka shirarka ee Ribaad ee magaalada khartoum.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

xafladaani oo halku dhigeedu ahaa Habeenkii Soomaali Weyn iyo soo dhaweynta ardayda cusub ee soomaalida ayaa waxay ka dhacday hallka shirarka ee Ribaad ee magaalada khartoum.

agaasimayaasha xafladaani oo ah midowga ururka ardayda soomaali ee suudaan ayaa waxay ku socotay jawi heer sare oo aanan
weli lagu arag ceynkani oo kale xaflad udhacay misna soo qaban qaabiyeen ururkani.

ururkani oo ay hogaanka uhaayaan rag dhalinyara ah misna lawareegay dhawaan xilka madaxtanimo ee hogaanka ardayda suudan.
kulani oo aad uqurux badnaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxada safaarada ee dalkani suudan magaaladiisa khartoum uu hor
 kacaayay secrater ka koowaad ee safaarada Mudane Axmed Ibraahim iyo Xog haayaha guud ee ururuka Ahlu Sheikh Dr.Cimraan Axmed,
 iyo Gudomiyaha ururka Ardayda Koonfur Galbeed soomaaliya Mr. Max'ed Qaasim iyo ururo kale ay ka midka yihiin madaxda
 midowga ardayda REER Jabouti iyo madaxda ururada arday ee somali keny iyo kan ithiopia ku waaasoo ka qeyb qaatay xafladaani 
qiimaha badnaan oo mideesneyd dhamaan SHANta soomaali weyn ee ku sugan dalkani suudan.

dhanka saxafiyinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wakiil wareedka warbaahinta BAIDOANEWS Caadil Xaaji Cabdi iyo midka somali chenal Tv 
iyo kan MAI TV ee dalka suudan sidoo kale waxaa meesha ka marnayn ururada saxfiyiinta ay ku mideesan yihiin. 

xafladaani ayaaaa waxay ka kobnayd kalimado iyo suugaan iyo madadaalo, iyadoo halkaasi ka hadleen madax badan ooo ay ku jirto Maama
 Maryan oo dalkani suudan ka caan ah iyo Dr. Asma oo madasha ka jeedisay kalmadii haweenka iyadoona ay soo jiidasho lahayd khud badeeda 
quruxda badan oo lala riyaaqay dadkoo dhan udhaga nuglaayeen isku soo wada duuboo gabagabadii xafladani ayaa waxaa oo afjaray 

Xog.Guud ee ururka midowga ardayda soomaali ee suudaan Mudane.Axmed c/qaadir (Buux) oo madasha ka jeediyaya kalmadiisii quruxda badneyd iyo uu halkaasi ka sheegay in madaxweynaha caawa ku soo dhaweyn  doonaan magaalada khartoum waxaana lagu wadaa in caawa uu madax weynaha uu soo gaaro magaalada khartoum.

Caadil Xaaji Cabdi

Khartoum-Sudan

caadil33@gmail.com
caadil33@msn.com
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc