Gudoomiyaha Maamulka shabeelaha hoose ee xarakada Alshabaab sheekh Cabdalla oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay inay guulo badan ka soo hooyeen dagaalo goos goos ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano fara badan oo ka tirsan gobolkaasi.
Sh Cabdalla ayaa sheegay in qaraxyo laba ah oo ka dhacay Magaalada Marka ay ku dhinteen askar ka tirsan Amisom halka dagaal ka dhacay inta u dhaxaysa yaaqbaraweyne iyo belidoogle ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Amisom ayna sidoo kale ka gubeen askarta nabad ilaalinta amisom baabuurta gaashaaman xilli ay si lugays ah ama afantari ah ay isugu gudbayeen degaanadaasi.
Masuulkani ka tirsan Alshabaab ayaa ku dhaartay inay sii wadi doonaan dagaalada alshabaab ay u taqaano kamiinka oo uu sheegay inay haatan uga guulaysteen askarta dowlada iyo kuwa Amisom ayna haatan ka daaleen askartaasi inay sii wadaan dagaalkii ay doonayeen inay ku qabsadaan guud ahaan gobolka shabeelaha hoose.
Hadalka ka soo baxay Xarakada alshabaab ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay dagaalo ay ka dhaceen degaano ku teedsen gobolka shabeelaha hoose, sida dad goob joogayaal ah ay inoo sheegeena dagaaladaasi ayaa qaarkood ahaa kuwa aad u qaraar oo mararka qaar la isugu adeegsanaayay madaafiic waawayn waxaana la xaqiijin karin dhibaatooyinka labada dhinac kala gaaray maadaama Amisom ilaa hada aysan wax war ah ka soo saarin dagaaladaasi.
BANA
Alshabaab oo sheegtay inay askarta dowlada ku jabiyeen dagaal ka dhacay shabeelaha hoose
Gudoomiyaha Maamulka shabeelaha hoose ee xarakada Alshabaab sheekh Cabdalla oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay inay guulo badan ka soo hooyeen dagaalo goos goos ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano fara badan oo ka tirsan gobolkaasi.