Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka ee muqdisho ka dib booqasho seddax maalmood qaadatay oo uu ku tagay wadanka Suudaan.
Xubnaha wefdiga Madaxweynaha ee dalka dib ugu soo laabtay oo ay ku jireen wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaaa si aad ah u soo dhoweeyay Madax ka tirsan dowlada iyagoo markii dambe sida caadada ahba ay xaruunta madaxtooyada u gelbiyeen askarta Amisom.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wadanka suudaan waxaa uu kula soo kulmay Madaxweynaha wadankaasi Xasan Albashiir iyo Golahiisa wasiirada waxayna ka wada hadleen labada dhinac iskaashiga labada dal iyo sidii dowlada suudaan ay uga qayb qaadan lahay dib u dhiska dalka . Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dhigiisa inuu ka caawiyo sidii loo tayayn lahaa Ciidamada Dowlada Federalka.
Wefdiga Madaxweyne Xasan sheekh ayaa intay ku guda jireen booqashadooda wadanka suudaan waxaa ay Gobolka Blue Nile uga qaybgaleen munaasabada furitaanka biyo xireen wayn oo halkaasi laga dhisay taasoo lugu maamuusayay sanad guuradii 57 aad ee xurnimada wadanka suudaan.
BANA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtay
Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka ee muqdisho ka dib booqasho seddax maalmood qaadatay oo uu ku tagay wadanka Suudaan.