Waaxda Maaliyada ee wasaarada Gaashaandhiga dowlada ayaa bilowday bixinta mushaaraadka askarta dowlada ee ku sugan gobolka Baay. Wasiirka gaashandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin xaaji Fiqi ayaa sheegay inay bilaabatay bixinta Mushaaradka uuna askari waliba oo diiwangalsan heli doono xuquuqda uu ku leeyahay dowlada hase ahaatee loo baahanyahay inay askrta sii wadaan dadaalkooda ku aadan nabadaynta wadanka iyo la dagaalanka alshabaab.
Askartani maanta mushaaraadka loo bilaabay ayaa tiradoodu waxay ka badantahay 1500 oo askari waxayna dhowaan tababar ku qaateen xerada salaamay ee magaalada Baydhabo.
waa markii ugu horaysay oo askartani cusub ay qaataan mushaaraadkooda waxayna qayb ka tahay arintani ballantii madaxweyne Xasan Sheekh uu u jeediyay askartaasi markii uu booqanaayay askartaasi oo tababarka uga socday Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay.
Askarta dowlada ee ku sugan Gobolka Baay ayaa iyaguna sidoo kale lagu wadaa inay helaan xuquuqdoodaa.
BANA
Askarta dowlada ee Arlaadi oo maanta loo bilaabay mushaaraadkooda
Waaxda Maaliyada ee wasaarada Gaashaandhiga dowlada ayaa bilowday bixinta mushaaraadka askarta dowlada ee ku sugan gobolka Baay.