Wefdigii uuu hogaaminaayay wasiirka gaashandhiga ayaa booqday degaanka goofgaduud oo qiyaastii 30 km u jirta Magaalada Baydhabo. Wefdigani oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka xooga dalka General C.qaadir diini ayaa halkaasi u tagay si ay u soo arkaan askar ka tirsan kuwa dowlada oo dhowaan tababar loo soo xiray kuna suga degaanka Goofgaduud iyo tuulooyin hoostaga.
Taliyaha Ciidanka xooga dalka oo askartaasi la hadlayay ayaa ka codsaday inay ilaaliyaan sharciga ayna u damqadaan shacabka wuxuuna si aad ah ugu dheeraaday in shacabka iyo dowlada ay uga fadhiyaan howlo fara badan oo ay ugu horeyso xureynta degaanada Gobolka Baay ee weli ku jira gacanta xarakada Shabaab Al mujaahidiin.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale isna la hadlay askartaasi isagoo u soo gudbiyay fariin uu uga waday Madaxda sar sare ee dowlada oo ku wajahnayd askartaasi.
ugu dambayntii wefdigii wasiirka gaashandhiga ayaa dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ka dib booqasho 2 maalmood qaadatay oo ay ku joogeen magaalada Baydhabo halkaasi oo ay kula kulmeen Maamulka Gobolka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Xaruunta Goboka Baay.
BANA
Fiqqi oo booqday Goofgaduud dibna ugu laabtay Muqdisho
Wefdigii uuu hogaaminaayay wasiirka gaashandhiga ayaa booqday degaanka goofgaduud oo qiyaastii 30 km u jirta Magaalada Baydhabo.