Wefdi ay hogaamineyso wasiiradda horumarimnta Bulshada & mas'uuliyiinta safaardda turkey ay ku leedhay soomaaliya ayaa waxay kulan la yeesheen Ra'iisul wasaare kuxigeenka Wadanka Turkey & wasiirka Caafimaadka .
Kulamadaan ayaa waxaa loogu Hadley sidii loo horumarin lahaa Adeega guud ee Bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, dib udhiska iyo adeegyada kale ee ay bulsho ubaahan tahay.
Kulamadaan oo si gooni gooni ah uga dhaceen xafiiska Ra’iisul wasaare kuxigeenka & kan wasaaradda caafimaadka ayaa dhamaantood waxay si iskumid ah u balan qaadeen iney waxbadan ka qaban donaan soomaaliya guud ahaan gaar ahaana Gobolada ay dhowaan la wareegtay Dowlada.
Meelaha sida gaarka ah ee dowlada Turkey ay u xustey ayaa waxaa kamd ah, Isbitaalka Guud ee degmada Baydhabo, kan Kismaayo iyo Baladweyn oo weli aan gaarin gacanta Dowlada Turkey.
Abowasharow Ankara Turkey
Dowlada Turkey Oo Balan Qaadey Iney Dhiseyso Isbitaalada Baydhabo,Kismaayo & Baladweyn