Safiirka Soomaaliya ee wadanka Turkiga Amb. Maxamed Mursal sheekh oo cawada waraysi ku baxay afka maayga siiyay radio arlaadi wuxuu ka hadlay arimo badan oo xiisa leh
Safiirka ayaa ka hadlay kulan dhexmaray maanta wasiirada Haweenka iyo arimaha bulshada Dowlada Soomaaliya iyo raiisul wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga kaasi oo looga hadlayay iskaashiga labada dal ee xaga caafimaadka iyo arimaha Bulshada .
Mudane Amb Maxamed Mursal ayaa Radio Arlaadi u xaqiijiyay in dowlada Turkiga ay ogolaatay inay dib u habeyn iyo qaleenba ku samayso Isbitaalka ugu wayn ee Gobolka Baay ee Isha Hosbital kaas ee ku yaala Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay iyadoo dhowaan sida uu Safiirku sheegay Magaalada Baydhabo ay gaari doonaan guddi u kuur gala baahida dhabta ah ee ka jirta Isbitaalka Baay .
Waxyaabaha kale ee Mudane Maxamed Mursal uu ka waramay ayaa waxaa ka mid ah Horumarka ay samaysay safaarada Soomaalida ee Turkiga intii uu xilka qabtay. wuxuu sheegay inay haatan ka guureen xaruuntii hore ay ugu shaqaynayeen ayna degeen xaruun cusub oo ka wayn midii hore taas oo si aad ah u fududeysay howlaha safaarada iyo shaqada ay u hayso shacabka soomaaliyeed.
Safiirka oo sanadkan ku guulaystay bilada Safiirka ugu shaqada badan safiirada dowlada ayaa ku tilmaamay arintaasi mid uu uga mahadcelinaayo shacabka soomaaliyeed ayna ku dhiira gelin doonto sidii uu dar dar u gelin lahaa howlihiisa shaqo ee uu u haayo qaranka soomaaliyeed.
ugu damabyntii wuxuu safiirka mar aanu wax ka waydiinay waxa uu kula dardaarmayo shacabka soomaaliyeed ku maahmaaday (langby langshay ya ki wiingyi humboothene wangti ya ki wiingti) dhagayso waraysiga safiirka oo ka hadlaaya waxyaabo badan oo ay ka mid tahay caqabado la sheegay iny hortaaganyihiin shirkado turki ah oo doonaya inay ka howlgalaan gudaha soomaaliya iyo xaalada ardada wax ka barata wadanka turkiga.
Cabdibaydhabo.
BANA
Dhagayso safiirka Turkiga Amb Maxamed Mursal Sheekh : lang langshey ya ke wiingyi humbootheneh wangte ke wiingti .
Safiirka Soomaaliya ee wadanka Turkiga Amb. Maxamed Mursal sheekh oo cawada waraysi ku baxay afka maayga siiyay radio arlaadi wuxuu ka hadlay arimo badan oo xiisa leh