Kadib markii habeen hore Deegaanka Buula-mareer ee Gobalka Sh/hoose ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowlada Faransiiska islamarkaana ay rabeen iney kusoo furtaan Muwaadin laga heysto oo gacanta uga jira maleeshiyada Shabaab ayaa waxaa arintaasi kulan deg deg ah ka yeeshey Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Kulankan ay yeesheen Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa shir Gudoominahay ray'iisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana ay ku lafa gureen kulankooda Weerarkii qasaaraha badan geystay ee habeen hore ka dhacay Gobalka Sh/hoose kadib markii ciidamo faransiis ah ay weerareen halkaasi.
Kulanka oo saacado badan qaatey kadib ayaa waxaa saxaafada la hadley Wasiirada Arimaha dibada Soomaaliya Fowziya Xaaji Aadan oo sheegtey in Wasiirada Soomaaliya ay aad uga xun yihiin weerarkii qasaaraha geystay ee habeen hore ka dhacay Sh/hoose,iyadoona sheegtay in Dowlada Faransiiska qasaaraha kasoo gaarey weerarka ay ka yihin yihiin.
"Kulanka waxaa uu ahaa mid deg deg ah oo kaga hadleyney Weerarkii fashlimey ee dhowaan ka dhacay Soomaaliya,waxaana ka xunahay qasaaraha soo gaarey dadka raidka ah eee aan waxba galabsan"ayay tiri Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya oo warbaahinta la hadashey.
BANA
Golaha Wasiirada oo kulan aan caadi aheyn ka yeeshey weerarkii Buulo-Mareer.
Kadib markii habeen hore Deegaanka Buula-mareer ee Gobalka Sh/hoose ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowlada Faransiiska islamarkaana ay rabeen iney kusoo furtaan Muwaadin laga heysto oo gacanta uga jira maleeshiyada Shabaab ayaa waxaa arintaas