Iyadoo Maalin kasta oo Jimca ah Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ay booqdaan oo damaashaad u aadaan Boqolal dad Soomaaliyeed ah gaar ahaana dadka ka imaanaya qurbaha oo haatan Aadista Xeebta xiiseeya ayaa waxaa la sheegay in haatan halkaasi ay kusoo badanayaan wax yaabo lidi ku ah Anshaxa.
Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu sheegay in aaney aheyn wax loo dul qaadan doono wax yaabaha anshax xumada ah oo qaar ka mid ah dadka u dal xiis taga xeebta ay ka sameyeen gudaha xeebta.
Duqa Magaalada Muqdisho si toos ah uma uusan carbaabin wax yaabahan anshax xumida ah oo uu sheegayo inuu ku arkey Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho oo ay sameynayaan dadka u dalxiis taga halkaasi gaar ahaana Anshax xumida ayuu ku eedayay dadka Qurbaha ka yimid.
"Xeebta Liido waxaan ku argney wax yaabaha aan ogoleyn Diinteena Islaamka,Dhaqankeena iyo waxyaabo kale oo aad dad uga careysiya marka uma dul qaadan doono waxyaabahaasi,waxaana ugu badan oo sameeya dadka Qurbaha ka imaanaya ee Soomaaliya u Maleeya sidii maraykanka Am Ingiriiska oo kale"ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Ciidamada Nabad sugida Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu ku amrey Gudoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir iney xabsiga dhigaan cidii ay ku arkaan iney sameynayaan wax yaabahaasi Anshax xumida ah oo xeebta Liido kusoo kordhey,waxayna taasi ay sameyn doonta booqashada Xeebta.
BANA
Tarsan "Anshax xumo ayaa laga sameeyaa xeebta Liido"
Iyadoo Maalin kasta oo Jimca ah Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ay booqdaan oo damaashaad u aadaan Boqolal dad Soomaaliyeed ah gaar ahaana dadka ka imaanaya qurbaha oo haatan Aadista Xeebta xiiseeya ayaa waxaa la sheegay in haatan halkaasi ay kuso