• xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Ku dhowaad 30-ruux oo AMISOM ku qabatey Marka.

0
Monday January 14, 2013 - 07:39:55 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 80
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhowaad 30-ruux oo AMISOM ku qabatey Marka.

    Kadib markii shaley magaalada marka ee xarunta Gobalka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya qarax xoogan lagula eegtay Gadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika Soomaaliya ayaa waxaa magaaladaasi howlgalo ka sameeyay ciidamada AMISOM iyo kuw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Kadib markii shaley magaalada marka ee xarunta Gobalka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya qarax xoogan lagula eegtay Gadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika Soomaaliya ayaa waxaa magaaladaasi howlgalo ka sameeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Holwgalka oo si wada jir ah ay u sameynayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa muhiimadiisu ay aheyd sidii loosoo qaban lahaa kooxaha amaan darida ka wada magaalada marka gaar ahaana kuwii ka danbeeyay Qaraxii shaley lala eegtay ciidamada AMISOM xili ay marayeen gudaha magaalada.

Dad deegaanka ah ayaa waxaa ay noo sheegeen in ciidamada iska socda howlgalo Guriyaha lagu baarayay ay ka bilaabeen xaafadaha qaar ee magaalada Sidoo kale waxaa ay wadooyinka ka qab qabteen dad badan oo dhalinyaro u badan kuwaasi oo xaley ku hayday Xabsiga magaalada marka.

Inta la xaqiijinayo ku dhowaad 20-ruux ayaa lasoo sheegayaa iney soo qabteen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee howlgalka ka sameeyay Magaalada marka ee xarunta Gobalkaasi,waxaana raga la qabtey looga shakisan yahay iney ku lug leeyihiin weerarkii qaraxa ee shalay.

Qaraxii shaley ka dhacay Magaalada marka oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa lala eegtay gadiid ay wateen ciidamada AMISOM ee Soomaaliya,hase ahaatee qaraxa ayaa waxaa uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc