• Xayaaysiin Nationlik
  • Ileys Inc
  • Home
  • Wararka
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
    • About Us
  • Contact Us

Shabaab oo xaqiijiyey inuu dhintey Laheystihii Faransiiska.

0
Monday January 14, 2013 - 13:34:53 in Wararka by
  • Visits: 572
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo xaqiijiyey inuu dhintey Laheystihii Faransiiska.

    Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheikh Abdiasis Abuu (Musab) oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in askarigi Faransiiska ahaa ee ku dhaawacmay weerarkii Faransiiska ay ku soo qaadeen Soomaaliya gaar ahaan xarun Al-Shabaab ay ku lahaay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheikh Abdiasis Abuu (Musab) oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in askarigi Faransiiska ahaa ee ku dhaawacmay weerarkii Faransiiska ay ku soo qaadeen Soomaaliya gaar ahaan xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buul-mareer islamarkaana isagoo dhaawac ah gacanta u galay Al-shabaab uu geeriyooday.
Sheikh Abdiasis Abu Muscab, ayaa geerida askarigii labaad ee Faransiiska Al-Shaabaab gacanta ku dhigeen u xaqiijiyay wakaalada wararka Reuters kadib wareysi ay la yeesheen.

Wuxuu sheegay Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab in askariga uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar jimcadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Buulo Mareer oo u dhaxeeyay ciidamada Kumaandooska loo yaqaano ee Faransiiska iyo Al-Shabaab,kuwaasi saacado isweydaarsanayay rasaas oo ay ka horeysay Madaafiic diyaarado ka baxay oo ku dhacay deegaanka lagu dagaalamay kuwaasi ay ridayeen diyaarado kaalmeynayay ciidamada weerarka soo qaaday ee dowlada Farance ka socday.

"Askarigii labaad ee faransiiska ee dhaawc ahaan gacanta ugu dhignay dhaawicii soo gaaray ayuu u geeriyooday,dhawaan waxaan soo bandhigi doonaa meydka labada Faransiiska"ayuu yiri Muscab oo lahadlay Reuters.

Maalintii sabtida ayaa Madaxweynaha dalka Farance Francois Hollande uu shaaciyay in labo askari ay kaga maqan yihiin Soomaaliya kadib howlgal ay ka sameeyeen, Mr Allex oo la haaste u ahaa Al-Shabaabna uu geeriyooday,taasi oo markii danbe been noqotay oo al-shabaab bayaan ka soo baxay lagu beeniyay.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2018 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc