Kadib markii ciidamada Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Booliis,Nabad sugida iyo Militeri xaley qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay ka sameeyeen howlgalo balaaran oo lagu sugayay amaanka ayaa waxaa arintaasi faafahin ka bixiyey Hay'ada nabad sugida ee Dowlada Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada nabad sugida ee Gobalka banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadley warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in xalay howlgalo balaaran ciidamada Dowlada ay ka sameeyeen Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa ee Magaalada Muqdisho,iyadoona dad badan lagu soo qabtey.
Raga lasoo qabtey oo boqolaal gaaraya ayaa waxaa lagu eedayay iney ku lug leeyihiin falalka amaan daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho,waxaana howlgalka uu dhacay Saqdii dhaxe ee xaley,waxaana isla xaley xabsiyada muqdisho loo taxabey raga lasoo qabtey.
Mar uu ka hadleyay Taliyaha tirada ay soo qabteen ayaa waxaa uu ku sheegay 477-ruux kuwaasi oo qeybaha Xaafadaha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa ee Gobalka Banaadir,iyadoona qaar ka mid ah raga lasoo qabtey lasii daayay markii sida uu sheegay lagu waayey wax danbi ah.
BANA
In ka badan 4 boqol oo ruux oo lagu qabtey Muqdisho.
Kadib markii ciidamada Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Booliis,Nabad sugida iyo Militeri xaley qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay ka sameeyeen howlgalo balaaran oo lagu sugayay amaanka ayaa waxaa arintaasi faafahin ka bixiyey Hay'ada nabad s