Waxaa isa soo taraya Canbaareynta iyo dhaliisha loo jeedinayo Dowlada wadanka Faransiiska oo maalmo ka hor weerar qasaaro geystay ku qaadey Deegaanka Buula_mareer ee Gobalka Sh/hoose ee Koonfurta Soomaaliya xili ay doonayeen iney soo furtaan Muwaadin ay heysteen Shabaab.
Xildhibaan maxamed Cumar Dhalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka arimaha dibada ee Barlamaanka Soomaaliya oo warbahinta Muqdisho la hadley ayaa waxaa uu sheegay iney aad uga xun yihiin hadii ay yihiin Barlamaanka Soomaaliya,isagoona sheegay in goobta qasaaro kasoo gaarey dad rayid ah.
Xildhibaanka oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada faransiiska looga baahnaa iney xariir kala soo sameyso arintaasi Dowlada Soomaaliya laakin buu yiri Dowlada Soomaaliya ay ka war heshey oo keli ah weerarka marka ay geysteen ciidamada faransiiska.
"Waxaan aad u canbaareyneynaa weerarka foosha xun oo deegaanka Buula-mareer ay ka geysteen dhowaan ciidamada Komandoska ee Faransiiska,waxaana meesha qasaaro kasoo gaarey dad rayid ah oo aan waxba galabsan"sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.
BANA
Dhalxa "weerarkii Faransiiska ma aheyn wax wanaagsan"
Waxaa isa soo taraya Canbaareynta iyo dhaliisha loo jeedinayo Dowlada wadanka Faransiiska oo maalmo ka hor weerar qasaaro geystay ku qaadey Deegaanka Buula_mareer ee Gobalka Sh/hoose ee Koonfurta Soomaaliya xili ay doonayeen iney soo furtaan Muwaadin