• Xayeysiiska Shamey Telecom
  • xayeysiis Bakaal
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

balanqaad loo sameeyay dadka degaanka shonqolow oo ceelashoodu ay wasaqoobeen

4
Monday January 14, 2013 - 19:22:25 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Current Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 6 1
  • Share via Social Media

    balanqaad loo sameeyay dadka degaanka shonqolow oo ceelashoodu ay wasaqoobeen

    kulan ballaaran oo looga hadlaayay cabasho ka soo yeertay dadka degaanka shonqolow oo ku saabsanayd in dhammaan ceelashii degaanadaasi ay wasaqoobeen misna ay cubsoobeen ayaa lugu qabtay qadka taleefonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

kulan ballaaran oo looga hadlaayay cabasho ka soo yeertay dadka degaanka shonqolow oo ku saabsanayd in dhammaan ceelashii degaanadaasi ay wasaqoobeen misna ay cubsoobeen ayaa lugu qabtay qadka taleefonka kulankani oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u fara badan oo ku kala nool qaaradaha kala fog fog ee aduunka ayaa si aad ah waxaa loogaga arinsaday wixii laga yeeli lahaa cabashadaasi ka soo yeertay dadka degaanka shonqolow.

dadka ka soo qaybgalay kulankani oo ay ka mid ahaayeen odayaal ku sugan degaankaasi ayaa waxaa ay warbixin ka siiyeen ka qaybgalayaasha kulanka sida xaalada ay tahay,. Huseeng mad Umerow oo ka mid ah odayaasha shonoqlow ayaa sheegay in marka laga reebo hal ceel oo ay dadka degaankaasi si mutadawacnimo  iskoodu ugu samaysteen inta kala ay yihiin kuwo cusbooway oo aan biyahooda la cabi karin taasoo dadka qaarkiis ku kaliftay inay biyo ay cabaan ka doontaan degaano ku dhow dhow degmada Baardheere.

Huseeng Mad Umerow ayaa intaasi ku daray inuu ka codsanaayo dadka ka soo jeeda degaankaasi ee ku dhaqan dibadaha inay kaalmo deg deg ah oo lacag ah ay la soo gaaraan si loo nadiifiyo ceelashaasi maadaama sida uu sheegay haatan ay jirto baahi wayn oo loo qabo ceelashaasi.

Wakiilka Beesha Laysaan ee arimaha dibadda Dr Mursal Xuseen oo kulankani isaga soo abaabulay ayaa isna dhankiisa si aad ah ugu dheeraaday baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto ceelashani cusbooway isagoo kula dardaarmay dadka ka qaybgalay kulankani inay sida ugu dhaqsiyaha badan wixii ay awoodaan ay u bixiyaan maadaama biyuhu ay yihiin baahida ugu horeysa ee bani'aadamka, dadka deegaanka shonoqlowna ay xaq u leeyihiin inay helaan biyo nadiif ah sida dadka kaleba.

Hadaba ugu dambayntii ayaa dadkii kulankaasi kasoo qaybgalay oo isugu jiray rag iyo haween waxay ogolaadeen in muddo laba todobaad gudahooda ah ay ku iibiyaan motooradii lugu nadiifin lahaa ceelashaasi si ay markale u dhicin arintani oo kalena ceelashaasi laga dhigi doono kuwo leh motooro wasaqda banaanka u soo saara.

Ma ahan Degaanka shonoqlow oo keliya degaanada ceelashooda ay wasaqoobeen lakin waa halkii ugu horeysay oo howl noocan oo kale ah laga qabto in muddo ah waxaana Dr Mursal uu inoo sheegay inuu qabanqaabin doono kulamo noocan oo kale ah oo wax looga qabanaayo dhibaatooyinka xaga nolosha ah ee haysta dadka ku dhaqan degaanada arlaadi.

BANA
  • 4 Comments

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc