• Ileys Inc
  • Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

SOPJA oo cambaaraynaysa xadgudubka ka dhanka ah weriye C/casiis koronto

1
Monday January 14, 2013 - 20:07:09 in Wararka by
  • Visits: 104
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOPJA oo cambaaraynaysa xadgudubka ka dhanka ah weriye C/casiis koronto

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Uruka xirfadlayda suxufiyiinta soomaaliyeed ee SOPJA ayaa si kulul loogu daleeceeyay xariga Ciidanka Nabad sugida dowlada Federalka ay u gaysteen Weriye C/casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Warsaxaafadeed ka soo baxay Uruka xirfadlayda suxufiyiinta soomaaliyeed ee SOPJA ayaa si kulul loogu daleeceeyay xariga Ciidanka Nabad sugida dowlada Federalka ay u gaysteen Weriye C/casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto

Warsaxaafadeedkani oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Warbaahinta BANA ayaa loogugu baaqay Dowlada Federalka inay xuriyadiisa siiso weriye C/casiis Cabdi nuur hadii kale ay soo bandhigto sababta uu u xiranyahay .

"Weriyaha waa muwaadin dembi wuu gali karaa hadii la tuhmo ama la eedeeyo waa in maxkamad la soo saaraa lagu cadeeyaa dembigiisa waa qalad in la qiyaamo oo looga yeero xaruun nabad sugid isagoon loo sheegin in la xiraayo, waxaan ugu baaqaynaa Dowlada laamaheeda kala duwan inay ka shaqeeyaan sidii C/casiis uu xuriyadiisa uu u heli lahaa waxaana hubnaa in si qalad ah oo dulmi ah uu ku xiranyahay "ayaa lugu yiri warsaxaafadeedka

Cabdifataax Amiin oo ka mid ah Madaxda SOPJA oou waramay BANA ayaa sheegay in ay dacwad ka dhan ah Nabad sugida dowlada ay u gudbin doonaan UNka , AMISOM iyo hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha hadii weriyahani muddo 24 saac gudahooda ah lugu sii dayn waayo maadaama aysan muuqanin sabab loo haysto lagana horjoogsaday howlihiisa shaqo ee uu u haayay shacabka soomaaliyeed.

"waxaan kaloo eedaynayaa NGOyada magacyada Saxaafada ku qaraabta ee ilaa iyo haatan wax wayn ka qaban la' xarigani sharci darada ah ee walaalkeena C/casiis lugula kacay waxayna noola muuqataa mid u baahan inay ka fiirstaan weriyaasha Arlaadi ee NGO yadaasi xubinta ka ah sababta oo ah waxaan aragnay sida loogu doodaayay markuu xirnaa weriyaha BBCda ee muqdisho lakin maantana looga aamusanyahay xariga C/casiis "ayuu yiri C/fitaax Amiin.

Weriye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto ayaa ah weriye howl kar ah kana soo shaqeeyay idaacadihii maxaliga ahaa ee magaalada Baydhabo isagoo lugu xasuusto dhaxdhaxaadnimadiisa iyo daacada uu yahay shaqadiisa waxaana askarta nabad sugida dowlada uu u xiranyahay ku dhowaad muddo todobaad ah.

BANA
  • 1 Comments

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc