• Ileys Inc
  • Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Nairobi :Golaha amaanka oo ka fiirsanaya in cunaqabateynta laga qadayo Soomaaliya.

0
Saturday February 02, 2013 - 13:59:45 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 112
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nairobi :Golaha amaanka oo ka fiirsanaya in cunaqabateynta laga qadayo Soomaaliya.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka fikiraya qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo 1992-kii, si dowladda cusub ay awood ugu yeelato inay dhisto ciidamo awood leh oo dalka oo dhan la wareega.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka fikiraya qaadidda xayiraadda hubka ee Soomaaliya saaran tan iyo 1992-kii, si dowladda cusub ay awood ugu yeelato inay dhisto ciidamo awood leh oo dalka oo dhan la wareega.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Bankimuun ayaa shaaca ka qaaday in dadaal dheer la gilinayo sidii Soomaaliya ay u hanan lahayd guud ahaan amaanka dalka,si taasi loo helana waxuu sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego codsigii horay kaga yimid dowlada Soomaaliya oo ahaa in laga qaado Soomaaliya cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran.

"Maanka Soomaaliya uu yara hagaagsan yahay,laakiin wali waxaa la dareemayaa falal yaryar oo ka dhan ah ammaanka oo ay wadaan kooxaha dowlada ka soo horjeeda,kuwaasina waan in lala dagaalamaa"ayuu yiri Muun.

Banki Muun xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn fursad ay ehalaan waxuu ku tilmaamay kooxo qaswadayaal ah.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya saartay xayiraada hubka 1992-kii,si ay fursad u helin kooxaha ku loolamayay dalka Soomaaliya in shacabka dhiigooda ay daadiyaan.

Soomaaliya oo dowlad rasmi ah yeelatay sanadkii hore ayaa dhowr jeer ka codsatay Qaramada Midoobay in xayiraada hubka laga qaado dalka, si loo dhiso ciidamo tayo leh oo hanta amniga, islamarkaana dalka ka sifeeya Al-Qaacidada hubaysan.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tixgilin ay siin doonto codsagii ahaa in la fasaxo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo horay qaraar kaga soo baxay Golaha amaanka lagu joojiyay.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay cusbooneysiineyso Waqti kordhinta ciidamada AMISOM loo sameynayo si u sii wadaan dadaalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waqtigii loogu tala galay inay ka howgalaan Soomaaliya ku eg bisha March ee sanadkaan,horayna Midowga Africa iyo dowlada ay u dalbadeen in waqti kordhin loo sameeyo si ay u sii caabiyaan dowlada Soomaaliya.

BANA

  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc