Xili wali dalka Soomaaliya qeybo ka mid ah ay maamulaan Dagaalyahanada Kooxda Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxaa wali soo baxaya hanjabaad hor leh oo kasoo yeereysa Kooxdaasi oo ku aadan iney sii wadeyso dagaalka ay kula jirto Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada kale ee saacida.
Afhayeenka dhanka Howlgalada ee Maleshiyada Shabaab Sheekh C/asiis Abuu Muscab oo la hadley warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Shabaab ay ka go'antahay iney sii wadaan Dagaalka wali ka socda Gudaha dalka Soomaaliya,islamarkaana wax fursad ah aan laga heli doonin.
Waxaa uu tilmaamay Mas'uulkaasi i dagaalka beelaha ugu badan ee ay ka bilaabayaan ay tahay Gobalada Jubooyinka,Hiiraan iyo Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo meelo badan ay ka maamulaan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Kale ee AMISOM.
CIidamada Shabaab ayaa waxaa uu ugu baaqey Afhayeenka Shabaab iney mar kasta ay weeraraan fariisanaha ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobalada dalka Soomaaliya,isagoona Sheegey ABuu-Muscad in dagaalka uu galayo waji cusub.
BANA
Muqdisho :Shabaab oo dagaal kale ku dhaartey.
Xili wali dalka Soomaaliya qeybo ka mid ah ay maamulaan Dagaalyahanada Kooxda Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxaa wali soo baxaya hanjabaad hor leh oo kasoo yeereysa Kooxdaasi oo ku aadan iney sii wadeyso dagaalka ay kula jirto Dowlada Soomaaliya iyo ci