Kadib markii dhowaan Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Sh/hoose ay booqdeen wafdi uu hogaaminayay Ray'iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa xaalada amaanka ee magaaladaasi ka hadley Maamulka Dowlada Soomaaliya ee Degmada Marka.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Maamulka Magaalada Marka C/laahi Muuse oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo markii dhowaan ciidamo Booliis ah la keenay Magaalada Marka Xaalada Magaalada uu wax badan iska badaley sida uu hadalka u dhigey.
Waxaa uu intaasi ku darey Gudoomiyaha in amaanka Xaafadaha Magaalada hada uu yahay mid la isku haleyn karo,islamarkaana Maalin iyo habeenba Howlgalo balaaran ay ka wadaan ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaana Kuwa Booliiska,waxaana uu sheegay in amaanka la sii adkeynayo.
Magaalada Marka ayaa waxaa ay ka mid aheyd Magaalooyinka Gobalka Sh/hoose oo inta badan ay ka dhacayen falalka amaan xumo hadii ay ahaan laheyd Qaraxyo iyo Dilal loo geysto ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo dadka rayid ah,hase ahaate haatan xaalada amaankeeda la amaanayo.
BANA
Marka :Amaanka Sh/hoose oo la amaaney.
Kadib markii dhowaan Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Sh/hoose ay booqdeen wafdi uu hogaaminayay Ray'iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa xaalada amaanka ee magaaladaasi ka hadley Maamulka Dowlada Soomaaliya ee