• xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Ileys Inc
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Bari :Suldaan lagu diley Boosaaso oo dad loo qabtey.

0
Sunday February 03, 2013 - 09:08:36 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 67
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bari :Suldaan lagu diley Boosaaso oo dad loo qabtey.

    Iyadoo shaley Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari kooxo hubeysan ay ku toogteen mid ka mid ah Nabadoonada Gobalka Bari ayaa waxaa Magaaladaasi shaley ilaa iyo xaley ka socodey howlgalo balaaran oo ay wadeen ciidamada Maamulka Puntland ee Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Iyadoo shaley Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari kooxo hubeysan ay ku toogteen mid ka mid ah Nabadoonada Gobalka Bari ayaa waxaa Magaaladaasi shaley ilaa iyo xaley ka socodey howlgalo balaaran oo ay wadeen ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya.
Ciidamada Ayaa waxaa lasoo sheegayaa iney xaley ilaa iyo shaley oo dhan Magaalada Lagu soo daadiyey,waxaana ay baadi goob uga jireen Kooxo hubeysan oo shaley Bartamaha Magaalada Boosaaso ku toogtey Nabadoon la sheegay inuu caan ka ahaa Deegaanada Maamulka Puntland.

Wararka aan ka heleyno dhanka Howlgalada ciidamada ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso oo wali ilaa iyo haatan socoda ayaa waxaa lagu soo qabtey dad badan oo dhalinyara ah kuwaasi oo looga shakiyey iney ku lug leeyihiin falkii lagu diley mid ka mid ah Suldaanada Gobalka Bari.

Dad deegaanka ah oo aynu xariiro la sameyney ayaa waxaa ay ii sheegeen in ciidamada ay howlgalkaasi kusoo qabteen rag kor u dhaafaya ilaa iyo 50-ruux oo haatan lagu hayo xabsiga Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada sidoo kale dad ay kala baxen Guriyaha.

Xaalada Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa haatan degan,waxaana wali meelaha qaar ee Magaalada ka socda Baaritaan kale oo ay sameynayaan ciidamada Mamulka Puntland.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc