• xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Ileys Inc
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Wajeer :Qarax ciidamada Kenya ku dhaawacmeen oo ka dhacay Wajeer.

0
Sunday February 03, 2013 - 09:17:46 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 75
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajeer :Qarax ciidamada Kenya ku dhaawacmeen oo ka dhacay Wajeer.

    Wararka saaka aan ka heleyno dhanka Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley qarax xoogan uu ka dhacay Mid ka mid ah Magaalooyinka ku yaala Waqooyi Bari ee dalka Kenya gaar ahaana Magaalada Wajeer halkaasi oo soomaali ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Wararka saaka aan ka heleyno dhanka Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley qarax xoogan uu ka dhacay Mid ka mid ah Magaalooyinka ku yaala Waqooyi Bari ee dalka Kenya gaar ahaana Magaalada Wajeer halkaasi oo soomaali ay degto.
Qaraxa ayaa dad deegaanka ah waxaa ay sheegeen inuu ahaa Bamka gacanta laga tuuraha waxaana lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowlada Kenya oo howlgalo ka wadey Magaalada Wajeer,hase ahaatee qaraxa ayaa waxaa uu dhacay Salaadii Cishaha ee xaley kadib.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintey midkii Bamka ciidamada ku tuurey sida ay xaqiijiyeen dadka Magaalada Wajer,waxaana ku dhaawacantey ilaa iyo 5-kale oo isugu jira ciidamada qaraxa lagu weeraray iyo dad kale oo rayid ah oo goobta ka agdhowaa markii Qaraxa dhacayay.

Markii Qaraxa uu ka dhacay bartamaha Magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa halkaasi ka bilowdey howlgalo hor leh oo ay sameynayeen ciidamada Amaanka dalka Kenya gaar ahaana kuwa Booliiska,hase ahaatee waxaa aan la kala ogeyn hadii dad lasoo qabtey iyo hadii kale.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc