Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada Dowlada Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Muungab oo wariyaasha maalintii shaley kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya xili Maxkamada ay xukun ku fulineysay Sedax askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu digniin u jeediyey Wariyaasha Muqdisho.
Xasan Maxamed Xuseen Muungab ayaa waxa uu sheegay in Wariyaasha looga baahan yahay iney sidoodii u gudbiyaan Wararka ay wariyaasha ka qaadaan Maxmada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya,isagoona uga digey Wariyaasha Soomaaliyed iney ka been sheegaan maxkamada xukunada ay rideyso.
"Waxaan leeyahay Wariyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho amaba gudaha dalka Joogaa ha iska ilaaliyaan warar naftooda halis gelin kara oo ku aadan iney wax been ah ay ka sheegaan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya xiliyada ay xukunada fulineyso"ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkmaada sare ee ciidamada qalabka sida.
Korneel Xasan maxamed Xuseen Muungab ayaa waxaa uu sheegay in Wariyaasha Soomaaliya haatan mar xalad adag ay ku shaqeynayaan hadii ay been sheegan dhibaato kale ay u hor seedeyso,waxaan uu kula dar daramay Wariyaasha magaalada Muqdisho iney ka taxadiraan wax kasta oo warar ka sameynayaan.
Waa markii ugu horeysay oo Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ay digniin ay u joodiso Wariyaasha ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya,xili Wariyaasha Muqdisho aaney jirin cid u aabo yeesha oo dilal xarig iyo dhibaato kale loo geysto wariyaasha.
BANA
Muqdisho :Maxkamada ciidanka oo digniin u jeedisay Wariyaasha.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada Dowlada Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Muungab oo wariyaasha maalintii shaley kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya xili Maxkamada ay xukun ku fulineysay Sedax askari oo ka tirsanaa ciidamad