• xayeysiis Bakaal
  • Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Muqdisho :AMISOM oo sheegtay in wax saameyn ah ku yeelaneynin Qaraxyada.

0
Friday February 22, 2013 - 08:33:41 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 69
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho :AMISOM oo sheegtay in wax saameyn ah ku yeelaneynin Qaraxyada.

    Afhayeenka Ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya Cali Aadan Xaamud oo warbaahinya Magaalada Muqdisho la hadley ayaa waxaa uu soo hadal qaadey arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhanka amaanka,dagaalka ay kula jiraan Kooxda Shabaab ee Soomaaliya iyo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Afhayeenka Ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya Cali Aadan Xaamud oo warbaahinya Magaalada Muqdisho la hadley ayaa waxaa uu soo hadal qaadey arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhanka amaanka,dagaalka ay kula jiraan Kooxda Shabaab ee Soomaaliya iyo arimo kale.
Cali Aadan Xaamud ayaa waxaa uu sheegay in amaanka Magaalada Muqdisho maalmahan danbe uu aad u wanaagsan yahay islamarkaana ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM howl culus ay ka qabteen dhanka amaanka oo sida uu sheegay meelo badan ciidamo gaar ah ay geeyeen.

Mas'uukan ka tirsan Madaxda ciidamada AMISOM ayaa waxaa uu intaasi ku darey in AMISOM muhiimadeeda ay tahay sii laba jibaarto howlgalka ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadow loo soo direy Umada Soomaaliyeed iyo bur burinta dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay Afhayeenka ciidamada AMISOM in dhowan guud ahaanba dalka Soomaaliya ay ka saarayaan xarakada Shabaab ee Soomaaliya,isagoona sheegay in hada meelo badan oo ka mid ah Gobalada dalka Soomaaliya ay kaga itaal roonaaden Shabaab.

"Anaga AMISOM waxba uma arkeyno Qaraxyada iyo wax yaabaha kale ee fuleynimada ah oo ay ku kacayaan Shabaab,howlkada AMISOMna saameyn kuma yeelaneyso Qaraxyada raqiiska ah iyo weerarada kale,laakin waxaan idin sheegayaa in shabaab dhamaan Gobalada ka saareyno"ayuu yiri Mas'uulkaasi.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc