Kadib markii shaley Waqooyiga dalka Kenya ay ka dhaceen dilal kala duwan oo loo geystay ilaa iyo todobo ruux oo Soomaali ah ayaaa waxaa arintaasi ay sababtey in ciidamo badan Kenya ay geyso Xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.
Mas'uul u hadley Maamulka Dowlada Kenya ee Magaalada Gaarisa ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Kenya ay xirtey isu socodkii Gadiidka iyo Dadweynaha ee isaga kala gooshi jirey Xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamo badan oo wata Gadiidka dagaalka ayaa waxaa la geeyay Dhamaan Xuduudaha ay wadaagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya si loo adkeeyo amaanka dalka oo doorasho mar dhow galaya iyo sidii loo soo qaban lahaa kooxo dilal ka geystay Waqooyiga Kenya.
Mas'uulka u hadley maamulka gaarisa ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya xadka Soomaaliya iyo Kenya ay ka qabten dad badan oo hubeysanaa kuwaasi oo loogu shaki sanyahay iney ka danbeeyeen dilkii todobo ruux.
BANA
Nairobi :Kenya oo ciidamo badan geysay Xadka ay la waraagto Soomaaliya.