• Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Hormud telcom
  • Home
  • Wararka
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
    • About Us
  • Contact Us

Howlgal ka dhacay Kismaayo oo 50-ruux lagu qabtey.

0
Friday February 22, 2013 - 14:12:30 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal ka dhacay Kismaayo oo 50-ruux lagu qabtey.

    Markii dhowaan maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu sheegay in ciidamo badan ay dhigeen qeybaha kala duwan ee Xaafadaha magaalada Kismaayo iyo Duleedyada magaalada ayaa waxaa warar kasoo baxaya Baaritaan ciidamada ay sameeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Markii dhowaan maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu sheegay in ciidamo badan ay dhigeen qeybaha kala duwan ee Xaafadaha magaalada Kismaayo iyo Duleedyada magaalada ayaa waxaa warar kasoo baxaya Baaritaan ciidamada ay sameeyeen.
Wararka aan ka heleyno Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada ay kusoo qabteen dad badan oo amaan daro lagu eedayay.

Dad deeganka ah oo xariir aan la sameeyay ayaa waxaa ay ii sheegeen in ciidamada saacadihii ugu danbeeyay ay gacanta kusoo dhigeen ku dhowaad 50-ruux kuwaasi oo dhalinyaro u badan.

Raga lasoo qabtey ayaa waxaa la tilmaamayaa in qaar ka mid ah ciidamada ay kasoo saareen Guriyaha kadib markii ay uga shaki yeen Iney xariir la leeyihiin Kooxda Shabaab oo xili Magaaladaasi maamuli jirey.

Saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee Howlgalka ka sameeyay Magaalada ayaa waxaa wax war ah kasoo saarin howlgalkooda iyo dadka ay kusoo qabteen.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2018 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc