• xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Kenya :Dab xoogan oo ka kacay Suuq kuyaala Waqooyiga Kenya.

0
Saturday February 23, 2013 - 08:20:56 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 76
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya :Dab xoogan oo ka kacay Suuq kuyaala Waqooyiga Kenya.

    Wararka naga soo gaaraya dhanka Waqooyiga dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley dab xoogan uu ka kacay dhanka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kaasi oo lasoo sheegayo inuu geystey qasaaro hantiyadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Wararka naga soo gaaraya dhanka Waqooyiga dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley dab xoogan uu ka kacay dhanka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kaasi oo lasoo sheegayo inuu geystey qasaaro hantiyadeed.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dabka uu ka kacay Suuq weyn oo kuyaala Xerada Qoxootiga ee Xagar-dheer halkaasi oo ay degan yihiin ama ay deegaansadaan Boqolaal Qoxooti Soomaaliya ah oo dalka Soomaaliya siyaabo kala duwan uga soo cararay.

Dabka ka kacay Suuqa Xerada Qoxootiga ee Xagar-dheer ayaa waxaa aan la ogeyn waxaa dhalinayay ilaa iyo hada,hase ahaatee dabka ayaa la tilmaamayaa inuu mudo saacado ah uu socdey oo damin tiisa Wakhti badan ay ku qaadatey dadka deegaanka.

Inta la xaqiijinayo dadkaasi ayaa waxaa uu baabi'iyey dukaamo dhowr ah oo kuyaala Suuqa dabka uu ka kacey,iyadoona hanti badan oo dukaamada taaley ay meesha ku baaba'een.laakin dadbka ayaa lasoo sheegayaa in markii danbe damintiisa ay ku guuleysteen dadka Deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka Kenya ayaa waxaa la sheegay iney ka qeyb qaateen daminta dabka xaley ka kacay Xerada Qoxootiga ee Xagar-dheer,iyagoona sidii kale ciidamada Booliiska kenya ay dadka ka celinayeen Goobta dabka uu ka kacay si ay u ilaaliyaan kooxaha wax dhacaya.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc