Xili Dowlada Soomaaliya ay maamusho Degmooyin dhowr ah oo kuyaala Gobalka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya islamarkaana meelaha qaar aysan joogin ciidamo gaar ah oo ku fulin iney wax ka qabtaan xaaladaha dhanka amaanka ah ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay ciidamo la geeyay Degmada Walaweyn.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in saacadihii ugu danbeeyey Taliska Booliiska Soomaaliyeed uu ciidamo dheerad ah oo Booliis ah geeyay Degmada Walaweyn oo ka mid ah Degmooyinka kuyaala Gobalka Sh/hoose oo Dowlada ay maamusho.
Ciidamada booliiska ah ee la geeeyay Degmadaasi ayaa waxaa loogu talagaley iney ka qeyb qaataan sugida amaanka Degmada oo mararka qaar ay ka dhacaan falal isugu jira Qaraxyo iyo dilal loo geysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan,iyadoona ciidamada Militeriga ee Dowlada Soomaaliya la geeyay Duleedka Walaweyn.
Ciidamadan cusub ee Booliiska ah ayaa waxaa ay wataan Gadiidka Dagaalka iyagona durba markii la geeyay Degmada Walaweyn ay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka Gobalka Sh/hoose,waxaana ay ka cadsadeen shacabka Degmadaasi iney la shaqeeyaan ciidamada Dowlada.
BANA
Sh/hoose :Ciidamo Booliis ah oo la geeyay Degmada Walaweyn.
Xili Dowlada Soomaaliya ay maamusho Degmooyin dhowr ah oo kuyaala Gobalka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya islamarkaana meelaha qaar aysan joogin ciidamo gaar ah oo ku fulin iney wax ka qabtaan xaaladaha dhanka amaanka ah ayaa waxaa saacadihii ugu da