• xayeysiis Bakaal
  • xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Nairobi :M/weynaha Kenya oo sheegay in ciidamo kale u dirayaan Soomaaliya.

0
Saturday February 23, 2013 - 08:42:43 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 94
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nairobi :M/weynaha Kenya oo sheegay in ciidamo kale u dirayaan Soomaaliya.

    Isagoo shaley kumanaan Shacabka Kenya ah kula hadlayay Barxad weyn oo kutaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha wadanka Kenya Mwaki Baki ayaa waxaa uu ka hadley arimo badan oo khuseeya dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay howlgalka ciidama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Isagoo shaley kumanaan Shacabka Kenya ah kula hadlayay Barxad weyn oo kutaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha wadanka Kenya Mwaki Baki ayaa waxaa uu ka hadley arimo badan oo khuseeya dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay howlgalka ciidamada kenya ay ka wadaan Soomaaliya.
Madaxweynaha wadanka Kenya oo mudadada uu xilka heynayo wax yer ay uga dhiman yihiin ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada kenya kaalin weyn ay ka qaadatey sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa kala danbeyntii iyo nidaamkii horey uga jirey wadanka Soomaaliya.

Mwaki Baki oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu ku dheeraadey ka hadalka howlgalka ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya,isagoona ku amaaney ciidamada AMISOM gaar ahaana kuwa Kenya iney uga dhabar adeegeen iney dagaal kulul dalka Soomaaliya kula galaan Kooxda Shabaab.

"Dalka Soomaaliya waa dal dariskeena ah waa sababta aan ciidamo u geyney hadana waxaan ku tala jirnaa in ciidamo kale oo dheerad ah u dirno dalka Soomaaliya,waayo Dowlada Kenya waxay diyaar u tahay in ciidamadeeda ay qeyb weyn ka qaataan soo celintii amaanka dalka Soomaaliya"Ayuu yiri Madaxweynaha wadanka Kenya.

Madaxweynaha wadanka Kenya Mwaki Baki waxaa uu sheegay sidoo kale in Dowlada Soomaaliya haatan ay wado dadaal badan oo ku aadan sidii nabada loogu shaqeyn lahaa isagoona ku dhiira geliyey madaxda sar sare ee dalka Soomaaliya iney sii wadaan dagaalka Shabaab.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc