• Ileys Inc
  • Xayeysiiska Shamey Telecom
  • Home
  • Wararka
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
    • About Us
  • Contact Us

Nairobi :Kenya oo Dowlada Soomaaliya ku wareejisay dhulka Safaarada lagu murunsanaa.

0
Saturday February 23, 2013 - 09:02:37 in Wararka by
  • Visits: 401
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nairobi :Kenya oo Dowlada Soomaaliya ku wareejisay dhulka Safaarada lagu murunsanaa.

    Iyadoo is qab qabsi badan horey uga taagnaa dhulka Saxaafada Soomaaliya ee dalka kenya dacwado badan horey u dhaceen ayaa waxaa Dowlada Kenya ay ku dhawaaqdey in dhulka Safaarada Soomaalida ee Kenya leedahay Dowlada Soomaaliya gaar ahaana loo aqoonsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Iyadoo is qab qabsi badan horey uga taagnaa dhulka Saxaafada Soomaaliya ee dalka kenya dacwado badan horey u dhaceen ayaa waxaa Dowlada Kenya ay ku dhawaaqdey in dhulka Safaarada Soomaalida ee Kenya leedahay Dowlada Soomaaliya gaar ahaana loo aqoonsadey in dhulkaasi ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka kenya maxamed Cali Nuur Ameeriko oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu cadeeyay in Dowlada kenya Safaarada dhulkeeda ay kusoo wareejisay Dowlada Soomaaliya islamarkaana loo cadeeyay Muwaadin horey ugu doodayay inuu isaga leeyahay in aan waxba ku laheyn.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowlada Kenya ay ka heleen Warqadii Aqoosiga ahaa ee mudadada badan ay ka sugayeen taasi oo cadeyneysa in dhulka Safaarada Soomaaliyeed ee dalka kenya ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed,isagoona sheegay iney aad usoo dhaweynayaan arintaasi.

"Runtii waa war aad aynu ugu faraxney markii Kenya ay noo keentey Warqad lagu xaqiijinayo in Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ay leedahay Dowlada Soomaaliya ama shacabka Soomaaliyeed,waayo mudo badan ayaa ka daba ordeyney waana noo noqotey sidii aynu rabney"ayuu yiri Safiirka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka kenya ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo kalin weyn ka qaatey sidii loo soo celin lahaa Dhulka Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2018 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc