Wararka naga soo gaaraya Gobalka bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley dagaal kulul uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Bay kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya,kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxda Shabaab ee Soomaaliya.
Dagaalkan oo xaley ka qarxey inta u dhaxeysa Degmooyinka Bardaale iyo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu ka danbeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay wadada u faleen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku socdey Wadadaasi,kuwaasi oo kusii jeedey dhanka baydhabo.
Dagaalka ayaa labada dhinac waxaa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,waxaan mararka qaar la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan,hase ahaatee waxaa aad u adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalka ka dhacay Gobalka Bay ee Koonfurta Soomaaliya.
Inta lasoo sheegayo ku dhowaad 5-ruux ayaa ku geeriyootey tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen oo dhamaantooda ah dhinacyada colaada u dhaxeysay,waxaana lasoo sheegayaa in dhaawacyada ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya la geeyay Magaalada Baydhabo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Bay oo ku aadan dagaalka ka dhacay Gobalka Bay iyo Kooxda Shabaab oo iyadana weerarka ku qaadey ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Dowlada Itoobiya oo dagaalo kula jirto.
BANA
Baydhabo :Dagaal faraha loogu gubtey oo ka dhacay Gobalka Bay.
Wararka naga soo gaaraya Gobalka bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley dagaal kulul uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Bay kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya,kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxda Shaba