Waxaa ay tilmaamayaan warar saaka aynu ka heleyno dhanka Gobalka hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya in deegaan ka tirsan Gobalka hiiraan lagu arkey Meydka Nin weyn oo Qoorta mindi loogu gooyay sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay dad deeganka ah oo ku sugan goobta ruuxa lasoo dhigey.
Ninkan Qoorta laga gooyey ayaa waxaa lagu arkey deegaan lagu magacaabo Buuq Aqble halkaasi oo ay maamulaan Kooxda Shabaab ee Soomaaliya,waxaana saaka lagu arkey isagoo lasoo dhigey meel bartamaha Magaalada ah oo dadkana ay booqanayaan islamarkaana ay la yaaban yihiin sababta saas loo yeeley.
Kooxda Al Qaacidada ah ee Shabaab ayaa waxaa aan la ogeyn sababta ay u gowraceen Ninkan oo walina fafaahin rasmi ah aan laga heynin halka markiisii hore laga soo qabtey iyo meesha uu kasoo jeedo dhalasho ahaanba,laakin warar aan la hubin ayaa waxaa ay sheegayaan inuu ninkan Dhakhtar yahay waa sida la isla dhaxmarayo wararka ka imaanaya dhanka deeganka meydkiisa lasoo dhigey.
Meydkan oo ilaa iyo hada yaala bartamaha deegaanka lagu gowracey ayaa waxaa loo diidey dadka deegaanka,laakin waxaa hada la sheegayaa in waxgaradka iyo Odoyaasha kala hadlayaan shabaab sidii loo aasi lahaa meydka,falalkan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin falal guracan oo ay geystaan kooxda Shabaab.
BANA
Hiiran :Meydka nin Qoorta ay ka jareen Shabaab oo lagu arkey Hiiraan.
Waxaa ay tilmaamayaan warar saaka aynu ka heleyno dhanka Gobalka hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya in deegaan ka tirsan Gobalka hiiraan lagu arkey Meydka Nin weyn oo Qoorta mindi loogu gooyay sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay dad deeganka ah oo ku