• Xayeysiiska Shamey Telecom
  • xayeysiis Jaamacada Baydhabo
  • Home
  • About Us
  • History
    • Maahmaahyada DM
    • Halyeeyaashii DM
    • Dhulka DM
    • Taariikhda DM
    • Alif Maay
    • Abtirsiimaha DM
    • Saldanooyinka DM
  • Diinta
    • Muxaadaro
    • Siiro
    • Subac
    • Tafsiir
  • Wararka
  • Maqaallo
  • Multimedia
    • Photo Gallery
    • Radio Arlaathy
    • Somali Mai TV
    • Live Stream
  • Sheekooyin
  • Somali Links
  • Contact Us

Muqdisho :Ray'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho gaarey.

0
Saturday February 23, 2013 - 09:48:04 in Wararka by Muxiidiin Xusni
  • Visits: 133
  • (Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho :Ray'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho gaarey.

    Waxaa goor dhow oo saaka magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaarey islamarkaana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ka dagey Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ray'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo maalmihii ugu danbeeyay soo dhawe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Waxaa goor dhow oo saaka magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaarey islamarkaana garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ka dagey Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ray'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo maalmihii ugu danbeeyay soo dhaweyntiisa loogu diyaar garoobayay Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ray'iisul wasaare ku xigeenka hor kacayay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade kaga hortagey oo soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo ay ka midka ahaayeen Wasiirada arimaha Dibada ee Soomaaliya Fowziya Xaaji Aadan,Wasiirka Maaliyada iyo Madax kale.

Ray'iisul wasaaraha ku xigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada muqdisho salaan sharaf kaga qaatey Ciidamada Qaranka Soomaaliya,hase ahaatee markaasi kadib ayaa waxaa Wafdiga loo galbiyey dhanka Madaxtooyada Soomaaliya iyo Safaarada Turkiga ay ku leedahay Magaalada muqdisho.

Amaanka Wadada isku xirta garoonka Diyaaradaha ilaa Wadada Safaarada Turkiga iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo daadiyey ciidamo badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya si loo sugo Amaanka madaxda Dowlada Turkiga ee maanta soo gaarey Magaalada Caasimada ee muqdisho.

Madaxdan Turkiga ka socda ee Maanta soo gaarey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa iney la kulmaan madaxda sar sare ee dalka Soomaaliya oo ay ka midka yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ray'iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

BANA
  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

Our Facebook

© Copy Right 2009 - 2013 Baidoa News Agency - BANA All Rights Reserved.
Site Designed & Developed by Ileys Inc