Shirkii Manchester Oo Kasoo Baxay Baaq Ku Socdo Dowlada & Digniin Loo Jeediyey Burcad-Dhuleedka

0
30 March, 2013 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 5292
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 12 2
  • Share via Social Media

    Shirkii Manchester Oo Kasoo Baxay Baaq Ku Socdo Dowlada & Digniin Loo Jeediyey Burcad-Dhuleedka

    Shirkii lagu qabtay shalay wadanka ingiriiska gaar ahaan magaalada manchester waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyadaha Digil & Mirifle ee ku dhqan Dalka UK, Holland, Sweden, Norway, Denmark iyo Filand ayaa kaasoo oo aad muhiim u ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii lagu qabtay shalay wadanka ingiriiska gaar ahaan magaalada manchester waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyadaha Digil & Mirifle ee ku dhqan Dalka UK, Holland, Sweden, Norway, Denmark iyo Filand ayaa kaasoo oo aad muhiim u ahaa
Shirkan oo  ay  ka soo qayb galeen  siyaasiyiin, Aqoonyahano, odoyaal  dhaqameed, dhalinyaro, Haween iyo  dhamaan qaybaha  Bulshada ee   Qoowmiyahada  Digil & Mirifle.

Furitaanka  shirka  oo lagu  furey  Aayado  Qur’ aan  ah  oo  uu   halkaas  ka  akhriyey  Macalin Bashiir ayaa  waxaa  bilaabatey  dhageeysiga  Mukhbadii  halkas  ay soo kala jeedinayeen  madaxdii   kala gadisaneed ee shirkaas lagu casuumey.


Duniya Aadan Teegow oo  ahayd  Xiriiraha Shirka  ayaa Aayadihii  Qur’aanka  Kadib waxey Microphne-ka  ku soo  dhowaysey  Axmed Cabdi Xamiid (Afgooye)  oo  ah Gudoomiyaha  Jaaliyada  UK , Gudoomiye Axmed  ayaa  ugu  horeyntiiba  ugu  si  wayn  ugu mahadceliyey Jaaliyada  manchester oo ah Jaaliyada shirka  soo Qaran  Qaabisey , isagoo ku  amaanay  Jaaliyada  manchester ineey  tahay  Jaaliyada  Hogaanka  u  haysa dhamaan  Jaaliyadaha  ka dhisan dalka UK .

Ergooyinkii shirka  lagu  casuumey ineey ka hadlaan ayaa  waxaa ka mid  ahaa

Axmadeey Sheikh Mukhtaar , Wasiirkii warfaafinta & Boostada  ee  Dowladii  C/qaasim ,Cali sheikh Cabdullahi   (Cali Afgooye) wasiir kuxigeenkiii  Shaqada & Shaqaalaha , Dowladii Farmaajo, Eng: Saalax  sheikh Osmaan oo  ka  mid ah  Oqoonyahanadii  wax  ka soo diyaariyey dastuurka  Federaalka ah  ee  hada  jira  isla  markaana  ka  mid ah Guddi  7 Xibnood ka kooban oo ay Dowlada  Soomaaliya u soo Magacoowdey   Maamul  Sameeysasha Gobolada  Koonfur-galbeed Soomaaliya , C/risaaq Sheikh Muxyadiin oo   ka mid ahaa Wasiiradii Dowladii  Farmaajo Eng: Yuusuf Muumin   Gudoomiyaha  Guddiga  Fulinta  Jaaliyada  UK, Sahra Max’ ed Nuur (Sahra Carabey) oo  ka mid ah Guddiga Manchrester  Cabdiladhiif Qaasim Abuukar oo  ka socdey Jaaliyada Bolton Max’ ed Jeylani oo ha  mid ah  asagana  siyaasiyiinta  Digil & Mirifle ,Max’ ed  Nuur Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga fulinta  Jaaliyada  Uk , iyo  Max’ ed Cabdalla  Awisa  oo  ka  mid  ah  Salaadiinta Digil & Mirifle .

Shirka  ayaa waxaa lagasoo  saarey Bayaan halkaas  Saxaafada loogu  akhriyey,   Bayaanka  oo  iskugu jirey  Baaq Dowlada  Federaalka  ah loo direy iyo Digniin loo jeediyey Hogaamiyaal  sida  baaqa ku qorneyd Magacyadooda lagu  tilmaamey  ineey  yihiin "Hogaamiyaal Burcad-dhuleed ah " wukaaso  loola  jeedey  kuwa   ku Looltamaayo lahaanshaha Gobolada  Jubbooyinka ee waayahaanba shirarka  kalae gedisan uga socdey magaalada Kismaayo.

1- Dowlada Ayaa loogu baaqey iney Maxkamad Horkeento, Askarta Caadiyeysatay DHACA, DILKA, KUFSIGA, JIRFILKA HAWEENKA KU JIRA XERYAHA BARAKACIYAASHA MUQDISHO.

2- DOWLADU WAA INEY MAGDHOW, RAALI GAREEN KA BIXISAA XADGUDUBYADAASI LOO GEYSTO BARAKACIYAASHA, WAANA INEY ILAALISO XUQUUQUL INSAANKA

3- DOWLADU WAA INEY KA HORTAGTAA KOOXAXA DHUL BOOBKA AH RABA DAD MASAAKIIN AH INEY DHULKOODA XOOG KU QAATAAN OO LOO SHARCIYEEYO, GOBOLKASTA WAXAA ISKA LEH DADKIISA  OO XAQNA U LEH INUU MAAMUSHO.

4- DADKA BARAKACAYAASHA AH EE KU JIRA XERYAHA MUQDISHO WA AIN DIB LOOGU CELIYAA GURYAHOODA SI AY U TACBADAAN BEERAHOODA , DOWLADUNA WA AINEY DADKAASI KU TAAGEERTAA DIB U CELINTOODA .

5- DOWLADA WAXAA LAGU AMAANEY QEYB KA SIINTA TV-GA QARANKA AFKA MAAY-GA  LAAKIIN WA AINEY HOR MARISAA MA AHAN  QAABKA UU HADA KU SOCDO QAAB AAD LOOGU QANACSAN YAHAY.

6- BURCAD DHIULEEDKA WARKOODU LA ISKUM WAALIN WAXA ALA YIRI" SEDLANGKOO ING BOOROW IIMAANGKAA SUGHOY MIKIING SUURTAWAASOO IIMAANGKAA SUGHOY, KELIYA WAXAA LOO RAACIYEY CAGTII JOOGSAN WEYSA MARBEY CEEB LA KULANTAA.

7- GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA & GUDIGII MAAMUL USAMEYNTA 6-DA GOBOL WAXA ALA ISKU RAACEY INEY HOWSHA DA DEJIYAAN, OO MAAMULKII SAMEEYAAN , JAALIYADAHA BANANAKANA WAXAA LOOGU BAAQEY INEY TAAGEERTO SHIRKA BAYDHABO

8- BAAQA JAALIYADAHA LOO JEEDIYEY AYAA WAXAA KU JIREY INEY TAAGEERAAN ISBITAALADA KOONFURTA SOOMAALIYA OO WAX LOO QABTO ISBITAALADA KU YAALO MAGAALOOYINKA, KISMAAYO, MARKO, BARAAWE, JILIB, SAAKOW, BAARDHEERE, LUUQ, DOOLOW, BAYDHABO, XUDUR, AFGOOYE, BUURHAKABA, DIINSOOR IYO GUUD AHAAN GOBOLADA ARLAADII


SAWIRADII SHIRKA















MOHAMED HASSAN IDRISS " GANEY "  WARBAAHINTA ARLAADII MANCHESTER UK


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip