Taariikhda Dr. Abdalla Mohamed Husein Oo Kooban+Voice

0
21 April, 2013 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 3813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Taariikhda Dr. Abdalla Mohamed Husein Oo Kooban+Voice

    Ilaah ha u naxriistee Dr. Abdalla Magaciisa oo saxda ah wuxuu Ahaa Macalin Cabduqaadir Mohamed Husein " Abdalla " waxay aheyd Naaneestiisa" Koofar" laakiin waxay dadku u kasayaan Dr. Cabdalla, wuxuuna dhashey 1952-dii wuxuu ku d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaah ha u naxriistee Dr. Abdalla Magaciisa oo saxda ah wuxuu Ahaa Macalin Cabduqaadir Mohamed Husein " Abdalla " waxay aheyd Naaneestiisa" Koofar" laakiin waxay dadku u kasayaan Dr. Cabdalla, wuxuuna dhashey 1952-dii wuxuu ku dhashey caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Dr. Abdalla Eheladii & Qaraabadii oo intooda badan ay deganaayeen Baydhabo ayaa waxaa usuura gashey inuu dugsida hoose dhexe uu uga baxo magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

1969 ayuu  ayuu ka baxay Dugsiga Hoose Dhexe
1975 Dr.ka Alla Unaxriistee wuxuu kasoo baxay Dugsigii Sare Ee Raaga Ugaas

 kadib wuxuu galay  Shaqadii Qaranka " National Serves” 


1979 wuxuu kasoo baxay Medicine College " Jaamacadii Caafimaadka,
isla markii uu dhameeyey Jaamacada Allaha Unaxriistee Dr- Abdalla wuxuu bilaabey in isla jaamacadaasi ka shaqeeyo si uu heer uga gaaro Waxa uu soo bartay, kadib waa tii uu noqdey ama uu qaatay darajada ah " DR ” 

1979 – 1983 Wuxu kasoo shaqeeyey Marxuumka Isbitaalka Banaadir Ee Muqdisho

 1985 wuxuu aadey wadanka Talyaaniga si uu halkaasi uga soo diyaariyo MASRRETE DIGREE 

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu islamrkiiba shaqo ka bilaabey isbitaalda Banadir & SOS oo heerar wanaagsan ka galay shaqada iyo shaqaalaha isbitaaladaasi

Wixii intaa ka dambeeyey safar gaaban mooyee Dr. Cabdalla wadanka  kama uusan maqnaanin in badan, wuxuuna markii dambe shaqadiisa kusoo koobantay Isbitaalka SOS, 

Wuxuu ahaa nin aan dadkiisa iyo deegaankisia ilaawsaneyn wuxuu marka uu dhowr bilood joogaba ku laabanayey Baydhabo iyo deegaamada kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya si uu u indho indheeyo xaaladaha caafimaad ee isbitaaladaasi

Wuxuu qaban jirey shaqooyin bilaasha ahaa, sida , baaritaan, daaweyn, talo bixin, cashar bixin iyo wax yaabo badan oo aan lasoo koobi Karin.
Allaha unaxriistee Marxuumka wuxuu ifka ugu tagay 2 xaas oo kala degan Ingriiska iyo Canada, wuxuuna lahaa 2 wiil iyo hal gabar oo wada qaan gaar ah ilaah ha barakeeyee.

Taariikhdaan waxaa idin soo diyaariyey Bahda Warbaahinta Amaandhoorey & BANA oo isku duuban waxaana kasoo xiganey Dr. Abukar Mohamed Huseen oo ah Walaal ka yer Dr. Cabdalaha Geeriyoodey oo kunool wadanka mareykanka gaar ahaan MN .




 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip