Beel Weynta Jilible oo Aad Uga Xun Xasuuqii Ceel Garas

0
01 May, 2013 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 2323
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 17 0
  • Share via Social Media

    Beel Weynta Jilible oo Aad Uga Xun Xasuuqii Ceel Garas

    Shir deg deg ah oo qadka Talefanka ah oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah aqoonyahaniin odayaal iyo dhalinyarada qurba joogta Jaaliyadaha Jilible ee Qaaradaha waqooyiga America ,Austaralia Yurub,iyo Aasiyaba ayaa waxay shir saacado qaatey saakay kuy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir deg deg ah oo qadka Talefanka ah oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah aqoonyahaniin odayaal iyo dhalinyarada qurba joogta Jaaliyadaha Jilible ee Qaaradaha waqooyiga America ,Austaralia Yurub,iyo Aasiyaba ayaa waxay shir saacado qaatey saakay kuyeesheen qadka talefanka .

Arinta ugu muhiimsaneyd ee laga wada hadlayeyna waxaa ugu wayneyd weerarka tuugaysiga ahaa ee lagu soo qaadey shacbigii ku noolaa tuulada Ceelgaras,iyadoo halkaasina ay ku dilaan laba qof oon waxba galabsan,iyo waliba laba qof oo lagaarsiiyey dhaawac halis ah. Hantidii dadkii ganacsatada ka ahaa magaaladana si boob ah loo furtey iyo weliba iney qasaarooyin lixaad leh ay gaarsiiyeen ilihii dadka shacbiga ahaa ay isticmaali jireen sida iyadoo ladhaawacay amaba la jejejbiyey matooradii ceelasha biyaha ,goobihii isgaarsiinta ,iskooladii iyo qasoorooyin kale oo yer yer sida iney albaabadii goobihii ganacsiga lajejebiey,hanti farabadana ay bililiqeysteen.


Taas waxaan dhihi karnaa waa arin cadowtinimo iyo daan daansi. Taasi waxaa usii dheer in falkii isaga ahaa ee sidaa u fool xumaa ay sheegteen dowladii shacbiga masuulka kahayd qola kamid ah. Hadaba waxaan aamin sanayn in dawladu umadii dooratey ay samata bixiso oo dhibaatooyin wixii u keeni kara ay ladagaalanto mase is lahayn dawladii ayaa dhibka abuureysa ,

waxaase wax lalayaabo ah in gudoomiyihii gobolka bakool uu afkiisa ku yiri iney dawlada weerartey tuulada ceelgaras ayna ciidan alshabaab ah ay halkaas ku dileen qaarna ka dhaawaceen.hadaba hadii dawlada ay arintii dadkii shacabka ahaa ee lalaayey ay u bedesheen alshabaab ,arintaas wax socondoona mahan waana arin meel ku xariiqan yeelina mayno hadaan nahay qowmiyada kasoo jeeda dadkaas xasuuqa lagu sameeyey. Waayo  waa la ogyahay alshabaab meeshey ku sugan yihiin waana arin qofna aan ka daboolneyn ,hadii alshaab larabo hala aado xuddur.

Iskusuu wadaduuboo anagoo ku hadlayna dadkaas laxasuuqey waxaan dowlada soomaaliya ogaysiineynaa in arintii xasuuqa ahayed ay ka hadlaan ayna sheegaan in ay qalad ku dhacday dadkii laxasuuqay magdhowdoodii iyo hantidii ladhacay ay dawlada sidii lagu soocelin lahaa falkeeda gasho   gacan ku dhiiglayaashii dadka xasuuqeyna la horkeenaa maxkamada dawlada.

Hadaysan dowlada arintan sidey tahay waxba uga qaban hadaan nahay qowmiyada dhulkaas degta waxaan kala noqonaynaa kalsoonidii ,qola kasta oo dawlad sheegatana waana iska  dhcinaynaa waana ladagaalameynaa.

Waxaan marlabaad waraaqdan furan aan ka codsanaynaa : Madaxweynaha soomaaliya,Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliaya,Raiisarwazaaraha Soomaaliya ,Gudoonka baarlamaanka , in arintii xasuuqa ahayd ay dawlada ka soo jawaabto.

Waxaa waraaqdan ku xusan qurbajoogtii sida deg dega ah shirka ugu qaatey qadka talefanka:

1-Prof: Muqtaar Xasan Xuseen

2-Muqtaar Nuur Macalin (Beteri)

3-Cali maxamed Cabduraxman  (Ali-Yare)

4-Maxamed Maxmuud Saleebaan

5-Cor: Maxamed Sheekh Cabdalah (IIrow)

6-Muqtaar Macalin Cabdi deerow

7-Axmed Cabdala Cabdiraxmaan

8-Dr.Maxamed Xasan Saleebaan

9-Xuseen Cabdi Sheekh

10-Cabdulahi Sheekh Cali

11-Cabduraxmaan Sheekh Adan (kuujac)

12-faysal Cabdala Deerow

13-Adaan Qaadi Xasan

14-Kamaal Macalin Cabdi

15-Cabdala Xasan Buule

16-Xasan Macalin Cabi

17-Aadan Xasan Buule

18-Cali Isaaq(Cali Akhwaan

19-Cabduwahaab maxamed kheyr

20-Cabdi Maxamed Aadan

21-Abshir Isgoowe deerow

22-cabdow cabduraxmaan deerow

23-Drs.Faaisa Sheekh Axmed

24-Sahra Ibrahim Cabdow yusuf

25-Xasan Yaaquub Maxamed

26-Dr.Cali Isaaq sheikh (Ali Adow)

27-Aadn Cabdow Haajir

28-Maxamed sheikh Xassan

29- Cismaan Macalin Ibraahim

30- Abdushukri Macalin Ibraahim


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip