Danjire Ilyaas Cali Hasan Ma Nacasbaa Mise Jawaari Ayaa Jooke Kale Wata.

0
04 May, 2013 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 3194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Danjire Ilyaas Cali Hasan Ma Nacasbaa Mise Jawaari Ayaa Jooke Kale Wata.

    Sida aad la wada socotaan 15/07/2012 waxaa Safriirka Wadanka Spain loo magacaabey Danjire Ilyaas Cali Hassan oo ah Muwaadin Soomalaiyeed oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed soomalaiya gaar ahaan Degmada Buurhakaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aad la wada socotaan 15/07/2012 waxaa Safriirka Wadanka Spain loo magacaabey Danjire Ilyaas Cali Hassan oo ah Muwaadin Soomalaiyeed oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed soomalaiya gaar ahaan Degmada Buurhakaba.

Inta uusan shaqada Bilaabin ayaa waxaaba meeshii soo galay Proff Jawaari oo dad baan ku kala qeybsamey Soo galistiisa Dowlada ama noqoshada Gudoonka baarlamanka ayadoo ay DM hamigoodu ahaa In Madaxweyne ay qaataan ama ay dowladu ka ahaadaan Boos la’aan.

Layaabkii dhacay Danjire Ilyaas oo u xayirnaa keliyah Passporkii Diplamaasiga ahaa keliyah ayaa wuxuu isku dayey In Jawaari uu la ghadlo oo usoo fududeeyo laakiin jawaatii Jawaari ayaa waxay noqotay LAAMA BAH DABAAL YE?ETY, DANJIRE DHADHEELUNGAA LAKY NAGHADEEYA!?


Qaarkamid ah Xoghayaasha Gudoonka Baarlamaanka oo wada shaqeyn naga dhaxeysa ayaa arinkasi noo xaqiijiyey il ilyaas markii dambe oo laga daaley Jawaarey uu Usoo Fududeeyey Qof kaloo sxb ah oo aan aheyn DM.

Kadaroo Dibi Dhal: Jawaari markii juu maqley in Ilyaas loo sameeeyey Passporki oo shaqadiina Bilaabi rabo ayaa deg deg u rakaateeyey oo wuxuu hor istaagay inuu ilyaas Spain ka howl galo!.

Xogayaasha Baarlamaanka ayaa BANA Uxaqiijiyeennoo aan xitaa ka helney Warqadii Magacaabista Danjire Ilyaas oo Jawaari Isbaarada Udhigtay, ha u dhigtee Jawaari Yaa Kaloo DM ah oo meeshaasi Usoow adaa?

Hadii ay dhacdo In DM uu Udiidey Weliba Ninkii Xigeenkiisa ahaa Maxaa  Loo Maleynaa DM –laha kale, Soomaaliyeey maxaad kasii dhihi laheyd hadii Safaardaasi DM aqoonsigeeda haystaanoo Jawaari Hor Istaagey  hadan ay imaadaan Dadka Dowlada is Laheysiiyey Ee Soomaalida kale ah?

Sida wararka aanu ku heleyno hadii Jawaari Booska Danjire sababta ugu diidey ay tahay Abooghy ya awoogy geekoo is feereng, oo xilkii Ilyaas loo siiyey Hawiye & Daarood iney Ku Darsadaan maxaa laga sugii karaa jawaaari oo rajo ah ay idinku dhimantahay



FG: Shaqsiyada Danjire Ilyaas waa Qof wadani ah, dhiig leh, walaal jecel , dad aruurin badan , wanaagdoon ah, xaqiisanda sood hacsada wuxuu ahaa ninkii Dowlada Giriiga khasab ku aqoonsiiyey afkiisa dagaal badan kadib iney Qaabisho Qaxootiga soomaalida ah, waa ninkii haweenka iyo caruurta bada kasoo bad baada xanaaneyn jirey waa ninkii xildhibaanda DM markay khalad sameeyaan intuu sameeyo Call Confrence dadka isu keeno khadka kadib dhaliishooda usheegi jirey, ee maxaa tolow Jawaari uu ku hortaagan yahay Ninka Saas u wanaagsanaa.

Jawaabta waxaan ka sugeynaa Jawaari, Idinka Iyo Xildhibanada



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip