TALAABO HOR LEH OO LUGU CIRIB TIRAYO QOWMIYADA MAAY-GA

0
15 August, 2013 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 2648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 14 1
  • Share via Social Media

    TALAABO HOR LEH OO LUGU CIRIB TIRAYO QOWMIYADA MAAY-GA

    Tan iyo dowladihii dalka laga soo dhisey 1960 kii Qoomaaliyadda Digil iyo Mirifle waxaa loga shaqeeynaayey in lacirib tiro iyadoo laga bilaabey in laga ilaaliyo fulinta oo ah halka laga maamulo dalka, waxaa xigey dhaqaalaha oo laga cuna qabateeyey l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo dowladihii dalka laga soo dhisey 1960 kii Qoomaaliyadda Digil iyo Mirifle waxaa loga shaqeeynaayey in lacirib tiro iyadoo laga bilaabey in laga ilaaliyo fulinta oo ah halka laga maamulo dalka, waxaa xigey dhaqaalaha oo laga cuna qabateeyey laga ilaaliyey,
 waxaa xigey in dhaqan ahaan loola diriro sida in luuqadooda la cirib tiro, sadaxda mowduuc oo aan kor kuxusey waa ay balaaranyihiin waxaana ku faahfaahindoonaa maqaalo kale oo soo socda laakiin maqaalkeyga maanta waxa uu quseeyaa arin hada taagan oo iyada ah mid xanuun badan daba taaganna cirir tirka qoomiyada waana.

DIPLOMAASIDA


Qoomiyadu waxa ay dadkeeda weydiisaa maxaan u weyney wax barasho dibadeed, Aqoonyahano yaqaana Diplomaasiyada, maxaan u laa'nahay Masuuliyiin xirii laleh Dowladaha caalamka hormarna u raadiya Gobolada lixda ah oo ay leeyihiin, Maxaan u weyney horumarka gobalada kale ay gaareen ama maamulada ay dhisteen?

dhamaan su'aalahaan jawaabtooda qofba si ayaa laga yaabaa in ay ugu muuqato laakiin waxaan rabaan inaan Siyaasiyiinta iyo kula hadlo luuqad ay fahmi karaan oo ah horta maxaan haysanaa oo aan kuleenahay Dibada hadey tahay wasaarad iyo Safaaraddo iyadoo ay jiraan qaybo kale oo muhiim ah laakiin xiriirka caalamiga ah meesha uu kadhismo waa dibadda.

Digil iyo Mirifle wuxuu maanta leeyahay 3 Safaardood oo uu safiir kayahay wxuuna guud ahaan leeyahay 13 diblimaasi oo safiiro iyo xoghayaal isugu jira halka ay soomaali leedahay 300 oo diblomaasi  oo caalamka joogto, Digil iyo mirifle wasaardda arimaha dibada waxaa kajoogto 5 qofood oo meed ah kuwaasoo aan waxna sixiixin booskana lugu buuxiyey halka ay umadaha kale ay ka joogaan 100 qofood in kabadan.

Digil iyo Mirifle  waxaa laga hor istaagey in ay lamacaamilaan caalamka si aysan u helin xiriir caalami ah oo ay umadda kale ay wax ugu sharxaan ugu yaraan in ay yihiin umad jirta uqalantana hogaanka mudanna horumar haystana dhul barwaaqo, waxaa laga soo tirtirey dhulkii iyagu u diiwaan gashanaa oo ahaa 6 GBOL laguna bedeley qabiilo kale shaqadaasna waxaa fuliyey Diplomaasiyiin magaca soomaaliyeed adeegsanaayo una adeegaayo qabiil.

waxaa laga fuliyey dalka mashaariic loogu tala galey dalka guud ahaan waxaan looga faaiideeyey gobolo gaar ah waxaana arinkaas loo adeegsadey Diplomaasiyiin safaaradaha jooga kuna shaqeeya magaca qabiil, waxaa kaloo labixinaayey waxbarasho mudo 53 sano waxaa qaadanaayey qabiilo kooban waxaa loo adeegsanaayey diplomaasiyiin u adeegta danahooda.

Hadaba Digil iyo mirifloow siyaasiyiin wax garad iyo culimo waxaa la ogyahay qof aan lasiinin fursada uu umada wax ugu qabto inuusan qabaneynin waxba, hadaan safaarada aan cidi idin joogin waxba dibad idinkaga imaan maayaan canugna wax idin baranmaayo meel laidinku kala goosanaayana qof ka hadlimaayo ciribtirka iyo buugaagta laqorana erey idinka gali maayo, sidaa daraadeed waxaan u baahanahay in Arimaha dibadda iyo Safaaradaha xaqiina aad karaadsataan kulana xisaabtantaan dowlada safaaradaha muhiimka ah iyo cida idin joogto sida Nayroobi, Adisababa, Qahira, Midowga yurub IWM.

Kadaroo dibi dhal Sadex iyo tobankii Diplomaasi ayaaba ladaba taagantahay waxaa waayahaan dambe goob siyaasad noqotey Turkey oo la ogyahay sida hagar laanta ah ay ragaas wax u qabteen ahna sadexda safaaradood oo aan hayno mida ugu macquulsan ah, waxaa laga celcelinayaa Hawiye iyo Daaroobd waxay ku tuseysaa sida lanoo quusanaayo waayo waxba uma qalano waa sida ay aaminsanyihiin labadaan qolo, ciilka digil iyo mirifle haysta iyo dadnimo la'aanta siyaasiinta haysata waxay kutuseysaa hadii lawaayey taliyaashii ciidamada oo hadana loo socdo safaaradii keliya dhaqdhaqaaqeysey waxaad moodaa in lagaarey markii lana duugi lahaa halkii aan safaarado muhiim ah raadsan lahayn aan anagaba lanaka qaadanaayo sadexdii xabo oo aan heyney.

Hadii Digil iyo Mirifle uusan istaagin waa gebogabadii dagaalka lugula jirey oo dhaqaale, siyaasadeed iyo Dhaqan. waxaan ubaahanahay dhalinyaro badbaadisa umadaan oo ubaahan geesi siyaasadeed oo danaha umadda kafekera.

Hadii aad u baahantihiin 13 ka diplomaasi aad leedihiin Waad raadsankartaan meelaha ay kala joogaan, siyaasiyiinta digil iyo miriflena intaas ceeb ku filan.

Warbaahinta Arlaadii Waxay Soo Wadaa Waxyaabo Intaas Ka Daran ee Indhaaga Fur Inta Ay Goori Goor Tahay

Abowasharow 
Warbaahinta
Switzerland 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip