Warkii ugu Farxadda Badnaa Walaalkii Weynaa Curadkii Raxanweyn Eelaay iyo Hubkiisa oo ku biiray Dagaalka

0
01 September, 2013 in Wararka by
  • Visits: 8916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 119 0
  • Share via Social Media

    Warkii ugu Farxadda Badnaa Walaalkii Weynaa Curadkii Raxanweyn Eelaay iyo Hubkiisa oo ku biiray Dagaalka

    Indhawaalaba sidii qaddiyaddan xoreynta Lixda gobol Koonfur Galbeed ay u nasabka sheegtaan bulshaweyntan Maay waxaa jiray shaki wahan iyo walaacweyn oo ay beesha Raxanweyn gudaheeda ka qabtay walaalkooda weyn marna miskexdooda Eelaay turaanturadii ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhawaalaba sidii qaddiyaddan xoreynta Lixda gobol Koonfur Galbeed ay u nasabka sheegtaan bulshaweyntan Maay waxaa jiray shaki wahan iyo walaacweyn oo ay beesha Raxanweyn gudaheeda ka qabtay walaalkooda weyn marna miskexdooda Eelaay turaanturadii mar dhacday iblaysku sababay awgeed.
Qabiilka Eelay oo runtii ah walaalka ugu weyn 31 da qabiil ee beewlweynta Raxanweyn isla markaana ah wadnaha iyo furaha colaadda ama nabadda gudaha shacabweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ku kacay talaabo malaayiin Reer DM leh maanta ay ku wada farxeen taasoo marnaba aan laga fileynin bahweynta Eelay in ay sameynayaan sida malaayiin Raxanweyn ah ay aaminsanaayeen laakiin Raxanweyn waxay ku maahmaahdaa "Qofba qofkiisaa la weyn Libaax nin gannay Ma mooga", Caqliga iyo ficilka saliimka ah ee qabiilkan muhiimka ah Eelaay uu ku dhaqaaqay maanta taasoo caddeynaysa in sumaddii awoowe ka awoowe dhulkii aabbe Raxanweyn cadowgu u dayacnaa maanta liiska xisaabta xabbadda lagu soo dhacsanayo uu soo dhameystirmay maadaama walaalaha beesha Raxanweyn ay maanta is wada raaceen uuna hor boodayaba aboowe Eelaay.


Sida caadada ahayd marka aad eegto taariikhda guunka ah gabidhaclada iyo limbashada ka gaawirka weyn ee Raxanweyn waligood waxaa ay ahaan jireen dadyow kala dambeeya maamul dowlli ah leh isla markaana si toos ah uga amarqaata guurtidooda malaaqyada oo u ahaa haatana uba ah gargooyahayaasha go'aankoodu biya kama dhibcaanka ah kuwaasoo u ah beeshaan Afka Maayga ku hadasha dagtana inta ka dhaxaysa labada webi indhaha koowaad ee ay wax ku arkaan, laakiinse waxaa ummaddan sharafta iyo baaxadda badanba Illaahay u dhalshay  sanooyinkii dambe loo isticmaalay nidaam dowlli ah kaasoo loogu talagalay in lagu burburiyo gabi ahaantooda, nidaamka loo adeegsaday dadkan waxaa uu ahaa in gudahooda la dhexgalo 2 na loo kala jabsho maadaama Raxanweyn oo ciiddaa ka badan mar qura aan la hujuumi karin xaqiiqdiina cadowgu taa waa uu ku guuleystay waxaana Raxanweyn sanooyin dhow ee la soo dhaafay sidii lafo geri la isugu garaacay labo labo qabiil beerkana iska tumay iyagoon fahamsaneyn waxa ay isku dilayaan iyo cidda cadowgooda ah ee iskudiraya kaasoo ka dhex faa'ideysanaya, waxaana feerajabkii ugu weynaa Raxanweyn dagaaladaas sokeeye gudaheeda cadowgu uu isku diray ay keentay in dhamaanteedaba la qabsado iyadoo Raxanweyntu markii la qabsanayey 2 qaybood u kala jabtay qayb walbana cadowgooda dhabta ah u gargaarsatay walaalahooda kale.

Colaadaasi sokeeye gudaha walaalaha Raxanweyn xiligii jaahiliyada waxaa ku dhalaaday rag iyo haween badan iyo caruurba, waxaa ku curiyaamay lab iyo dhadig fara badan oo teeriyo maantaba xunahooda aan haysan, waxaa ku burburay guriyo iyo hanti aad u tira badan ayna ugu weyntahay miskexda aas aaska jiha u socodka dabeysha siyaasadeed mustaqbiliyaneed ee Raxanweyn waxaana ku baxay hal dooro iyo dhallinyara muhiimoo wax ku ool ah kuwaasoo aan loo baahneyn in iyagoo walaala ah hubka isu qaataan oo ay isdilaan ahaydna in si kasta oo looga baaqsan karey laga baaqsado dilka walaal maxaa yeelay 100 dhimatay waxaa kaaga roon 10 dhaqmeysa.

Badi Raxanweyntu bahda walaalkooda weyn ee Eelaay ayey dusha ka saareen amaba ka saaraan eedda keenistii meleeshiyadii mooriyanta ahayd ee Caydiid gudaha Arlaadi laakiin xaqiiqda waxay ahayd tahayna in qaladkaasi Raxanweyn oo dhan ay lahayd walaalka macaan Eelay kaliyana eedda uusan waxba ku lahayn balse lagu wada jiray taasoo macnaheeda ah in wixii dhacay cashara lagu qaato aan mardambe loo noqon dabinka cadowgu dhigtay doonayo inuu dadkan ku qabsadana wadiiqadaasi mahad Rabbina maanta ayba xirantay iyadoo shakigii gudaha walaalaha Raxanweyn oo ay walaalkood Ealaay ka qabeen beelweynta Eelaay laftirkeedu maalin cad meesha ka saartay siiisayna ilmaha Raxanweyn ee ay u weyntahay la dhalatay kalsooni kal iyo laab ah, Eelaay waxaa uu wacad ku maray in walaalihiisa ka yaryar ee Raxanweyn dhurwaa uusan siin doonin kagana tageynin goob gabadano ah oo jilbiska abeesada iyo good libaax afku dhiigle dawaco ay gaafwareegayaan haadduna ay heehaabayso.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii salaadiinta Raxanweyn DM oo 60 kor u dhaafayey uuna hormuud ka ahaa Malaaq Xasanow umurow gudaha Baydhabo Koonfur Galbeed ay ugu baaqeen in Raxanweyn ay iscafiso guud ahaan gaar ahaana farta lagu fiiqay labada qabiil oo ay malaaqyadu carrabdhabeen waa Eelay iyo Leysaane, Malaaqyadu waxay ku celceliyeen amar walaaltinimo ah in Eelaay iyo Leysaan iscafiyaan si kal iyo laab ah waxayna salaadiintu intaa ay sii raacsadeen "Eelaay iyo Leysaan kama maarano waxayna fure u yihiin beeshaan baaxadda leh ee Raxanweyn taasoo dhulkeeda Afkeeda iyo isirkeedaba loo haysto lagu dhagganyahay lana doonayo in laga ciribtiri aduunyada".

Baaqaan quruxda badan ee salaadiinta sharafta iyo xushamadda mudan wax ku qaadashada leh iyadoo la fulinayo maanta beelweynta Eelaay walaalka weyn ee Raxanweyn inta beeshaasi ka koobantahay 3 da Kursi 1: Bohoraad, 2: Naasiye iyo 3: Waraasiley malaaqyadooda uuna hogaaminayo malaaqooda guud beesha Eelaay Malaaq Guudoow iyagoo tuute militari iyo booshash xidhan qoryuhuna garabaha u saaranyihiin ciidamadii ugu horeeyey diyaarsan wada waxay iska xaadiriyeen xarunta gobolka Baay caasimadda Labaad ee Lixda gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoon ciidankii geeyey bilaa hadal baraha cayimin ee lagu diyaarinayo ciidamada Rahawein National Liberation kuwaasoo dhowaan loo diri doono jiidda hore ee dagaalka lagaga saarayo burcad dhuleedda qaxoontiga hogaamiyo Axmed madoobe kuwaasoo ka soo dureeray xeryaha DHadhaab iyo Xagardheere.

Lama arag lama maqal mana la fileynin tan oo kale talaabada geesinimada iyo ku dayshada muden ee beelweynta Eelay ku dhaqaaqday maanta taasoo guud ahaanba farxad qalbiga jiifisay malaayiin Raxanweyn dal iyo dibad kuwaasoo u oomanaa baahina u qabay in ay maanlin uun arkaan Raxanweyn oo mid ah cadowgeeda garatay warankuna hal dhan uun u wada waddo maxaa yeelay bay quburadu leeyihiin Raxanweyn waxa ragaadiyey in tuugsi lagu caayo xitaa u keenay waa iskudirka gudaheeda ee uu cadowgu isku dirayo taasoo dhaxalsiisay beeshu waa Raxanweyne in ay ku soo dhacdo cidla cad ay maquuranayaan abaar joogta ah, colaad aan dhamaan dhalisa hooy iyo xasilooni la'aan habaas leh ayana aqoon cid ay u eersato.

Labadaraalle Eelay walaalka weyn ee Raxanweyn talaabada uu qaaday maanta kaliya kuma eka in kalsooni uu gelshay walaalihiisa ka yaryar oo  dhan ee xitaa waxaa uu balan qaaday in dagaalkan lagu xoreynayo Koonfur Galbeed maaliyad iyo militariba hogaankiisu isagu noqonayo walow wajiya badan oo dagaalkan weyn hoggaankiisu ay qaadan doonaan walaala Reer Digil oo iyaguna sheegay in aysanba dagaalamin abid wixii ka dambeeyey waqtigii gumeystihii Taliyaaniga iyo Ingiriiska waqtigaasoo taariikh wacdara leh ay ka dhigeen furimaha hore ee dagaalada.

Dadka ka faalooda arimaha Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya in badana ka digayey dagaal lagu huubto oo ka dhacaa Soomaaliya khatarta iyo xadka uu yeelan karo qarnigan maadaama dad hurday ay soo tooseen la celin karin waa Raxanweyne, waxay leeyihiin "Qabiilka Eelaay waa jugdhawraha ama wadnaha Raxanweyn, hadduu isagu jalaafeyn maago Raxanweyn waa u halis, haddii walaalihiisa uu garab istaagana cadowgu waa u jab", maxaa yeelay bay qubaradu faaladoodu ku leeyihiin "Eelaay waa halka waddo oo kaliya cadowgu uu ka soo galo bulshaweyntan u nasabka sheegata 6 da gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya Raxanweyn DM, waa miskexda iyo aaladda lagu regaadin karo qorshe kasta ay Raxanweyn horumar ahaan u gaadho in ay ugu talaabsato mar haddii qabiilkan Eelay aadkana u badan uu Raxanweyn intooda kale ayiday dagaalkaan waxaa 100% loo filan karaa in Raxanweyn ay si cusri uusan ku jirin ku eryi karto kooxda Axmed Madoobe kuwaasoon kalsooni dadeed ayan ku qabin Kismaanyo maanta".

Sidoo kale quburadu iyagoo taariikh u saa qaadanaya dagaalkii Raxanweyn iyo Ogaadeen 1990 maadkii waxaa ay leeyihiin "Raxanweyn waxay min Afgooye ilaa iyo xuduudka Soomaaliya Ogaadeen oo hub casri ah haysta kula dagaal gashay falaadh faas iyo waran maanta oo Raxanweyn ay dagaal baratay hubkii ugu badnaa Soomaaliyana ay gacanta ku hayso maxaad mooddaa hadday gorodda ay isgeliyaan?", waa wax iska cad jawaabtu ayey qubaradu warkoodu sii raacsanayaan iyagoo miisaan saaraya culeyska Raxanweynta maanta iyo dagaaladii hore ee hub la'aanta ay ahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee maanta Raxanweyn waxaa la gudboon in feestooyin dhigato maadaamaa walaalkii weynaa guyaal iyo guyaal ee beeshan Raxanweyn ka maqnaa siyaasad ahaan iyo militari ahaan iyo waliba maaliyad ahaanba maanta uu cuddudiisa iyo kalsoonidaasa la soo xaadiray waana mid dhacda tan oo kale maxaa yeelay hilib wada dhashay marka dhabta ay timaaddo waa uu isu hurayaa oo xanuunka damqashada iyo karka walaalahaa haysta adna haddaad ka maqnaatid xitaa goobta hiqda iyo hibashada dhankaagay kaa qabanaysaa.

DHanka kale Wasiiradii xildhibaanadii iyo dhamaan wakiil wixii Raxanweyn u dhashay u nasabka sheegta 6 da gobol Koonfur Galbeed ee ku jiray dowlladda Xasan Culusow ayaa taageeray una dhaganuglaaday baaqii malaaqyada warkooda biya kama dhibcaanka xaqa ahaa baaqaasoo salaadiintu ay ugu yeereen wasiirada ixo xildhibaada DM ku jira dowllada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isaga soo xaadiryaan gudaha magaalada Baydhabo gobolka Baay oo ah xarunta Labaad Lixda gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasoo ay ka socdaan talaabooyiinkii ugu dambeeyey ee dowllad goboleedkii Lixda gobol loogu dhawaaqi lahaa madaxweynihiisi iyo baarlamnkiisi horboodayaan wasiiradiisi fulinta labadaraale ayna ka socdaan hawlo dhaqdhaqaaq milatari oo aad u xooggan oo ay wadaan bulshaweynta Koonfur Galbeed Soomaaliya hormuud u yahay DM oo isagu lagu tiriyo inuu leeyahay dagganyahayna dhulka Lixda gobol Jubbada DHexe, Baay, SHabeelaha Hoose, Gedo, Bakool iyo Gedo.

Xildhibaanada iyo wasiirada Koonfur Galbeed ee ku jira dowlladda Muqdisho ayaa teeriyo shaley shir albaabada u xidhan kaga jiray magaalada Muqdisho iyagoo ka arinsaneyey baaqii kululaa ee ka soo yeeray salaadiintii iyaga soo doortay iyo shacaweynaha ay matalaan ee kursiga ay ku fadhiyaan magacooda ay wax ku yihiin waxaana ay noqotay masuuliyintu in ay si geesinama leh iyana ay u taageeraan baaqii malaaqyadooda iyo dareenka bulshweynta wakiilka ka soo dhigtay awal.

Ugu dambeyntii Raxanweyn oo walaalkooda weyn ee Eelaay raacay waa farxaddii ugu weynayd taariikhda DM abid waxaana dadka odorosa arimaha Soomaaliya ay sheegeyaan Eelaay oo walaalihiisa Raxanweyn si dhab ah ugu biiraa ay la macna tahay hala isaga horleexdo Raxanweyn markan waa qarni iyo isbedel cusube waxaana qabiiradu intaa ku sii darayaan tolow Raxanweyn kalkan ayaa cilin doona armayba Soomaaliya oo dhan qabsadaan arintu kaba guunweyweyne waxa la moodayo ee ah in Kismaanyo uun u gantaalo cabbaysteen, aaqiritaankiina ka faalloodayaasha arimaha geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya qoraalada faalooyinkooda waxaa laga dhax helay suugaan Soomaaliyeed dad badan ka yaabisay oo su'aal isku weydiinayaan taasoo ay ku cabbirayaan awoodda la inkiri karin ee soo burqaneysa ee Raxanweyn sugaantaasoo ahayd "Dab habeen la shiday iyo dayax nuur ma waayaan ?, Miyaa doon shiraar lihi dalxiis loogu dhoofaa ?, Badda nimaan dabaal baran miyey biya u dahaan dibse miyuu u soo noqon hadduu daado kaligii hirkaa diliya mooyee " ?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip