Walaalkaa maragta waa loo furaa magtana waa lala baxshaa Reer Koonfur Galbeed oo raadinaya SHiine Macalin Nuurow!!

0
08 January, 2014 in Maqaallo by
  • Visits: 5162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 80 2
  • Share via Social Media

    Walaalkaa maragta waa loo furaa magtana waa lala baxshaa Reer Koonfur Galbeed oo raadinaya SHiine Macalin Nuurow!!

    Sida jaawa geel jiilaal abaar iyo jeel iyo haraad helay, Sida jibinta roobkiyo jirkoo da'ay habeenimo jeexii godnaa iyo jidhaamuhu biyoobeen daamu jalow ka leeyihiin, Sidii aan jid dheer soo jiidhay buuraha jirjirada u dhacayo jilbuhu dhiigga ig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida jaawa geel jiilaal abaar iyo jeel iyo haraad helay, Sida jibinta roobkiyo jirkoo da'ay habeenimo jeexii godnaa iyo jidhaamuhu biyoobeen daamu jalow ka leeyihiin, Sidii aan jid dheer soo jiidhay buuraha jirjirada u dhacayo jilbuhu dhiigga iga da'ay jacaylkuna ku daydayay kaa jiifi waayey, Jiqi Jicib madheedhlihiyo jibiskii abeesada seedi aan ku joogsaday kala booday jaantii jiraad igu abuurtoo xalay jaleeledaygii jaarkaa ku toosoo kaa jiifi waayo adiguna ma joogtide ma waxaa i soo jerin markaan iilka jiifsado oo jahada la i dhigo ?

Sida hal qabsigooda suugaaneed ee ka tarjumaya dareenkooda dhabta ah ummadda Koonfur Galbeed Soomaaliya maalaayinta daadsan dalka iyo debeddii waxaa wadnahoodu uu tabayaa walaalkooda in badan qalbiyadoodu ku weynaa dadaal weyna u soo galay heerya iska qaadidda gobollada Lixda ah Koonfur Galbeed Soomaaliya laakiin maalmahan dambe ay ka waayeen madashii shirweynaha gunaanudkiisu dhowyahay ee shucuubta Koonfureed ee magaalada Baydhabo.


SHiine Macalin Nuurow waa nin halganka qaranimada Koonfur Galbeed ka soo bilaabay sagxadda, waxaa uu ka mid ahaa raggii fara-ku-tiriska ahaa ee ugu horeeyay hawdka DHiil Bakool la galay saraakiishii iyo dableydii ugu horeysay walaalaha Libaaxyada Rahawein Resistant Army RRA oo ay horboodayeen Allaha u naxariistee Janaraal Xasan Maxamed Nuur SHaatiguduud, SHeekh Aadan Maxamed Nuur SHeekh Aadan Madoobe, Maxamed Ibraahim Xaabsade Cabdullaahi Black, Aadan Baariyow, Mayow Madaxguduud, Biikole Cali Bugey, Abwaan Isaaq Abgaalow, Isaaq DHeere Ibdow Aase Cali Geesey Cali Mashaakil iyo Maxamed Cabdi Muumin Maxamed Yare Allaha u naxariistee dhamaantooda iyo saraakiil badan oo haatanba nool balse magacyadooda aynaan halakan ku soo koobi karin.

SHiine Macalin Nuurow waqtiga uu halganka dalxoreynta ah hawdka ama keynta DHiil uu ka soo bilaabayey xiligaasi waxaa gabi ahaanba dalka Lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya si buuxda u ixtilaalay ama qabsadayo haystay Maxamed Faarax Caydiid oo caalamka iyo Soomaalida oo dhan u aqoonsatay dhiigyacab laayaan maatalays arxan daran shaqadiisuna tahay boob bililiqo kufsi iyo dil ku lamaanan barabixin ummada dhulkeeda laga suulinayo si dadkiisa gobollada dhexe dhagaxa ka soo hayaamay u dhaxlaanooy dagaan dhulka Koonfureed ee barwaaqada ah inta u dhaxaysa labada webi una nasabka iyo isirka sheegtaan dadka Afka Maayga ku hadla.

SHacabka ra' uruurinta aanu ka sameynay inala soo xidhiidhay haddaanu nahay bahda warbaahinta Koonfur Galbeed waxaa shucuubta hadaladooda si weyn uga dhex muuqda taariikhda dahabiga ah ee SHiine Macalin Nuurow uu ku leeyahay halganka gumeysidiidka ah dadyowga Koonfureed ay ku soo dhaqaaqeen maraan dhoweynba laakiin marka aad u fiirsato fikradaha shacbiga waxaa inta badan qof walba uu isweydiinayaa Mudane SHiine Macalin Nuurow oo ahaa libaaxii gilgilay cadowga Reer Koonfur Galbeed una dhaartay in gogoshan Baydhabo lixda gobol dowllad loogu dhisayo ay ka miradhalinayaan geeri ama nolol waa maxay sababta haatan keentay in laga waayo afaafka hore ee shirweynaha ummadda oo dhan dal iyo debed indhaha ay ku wada hayaan gabangabadiisi gunaanadka guushuna ay galowga soo joogto Guulle idamkii ?

Dadka qaar aaraadooda aan soo uruuranay waxaaanu ka dhex helanay su'aalo aad u adag oo ay isweydiinayaan oo ah "SHiinow walaal marka aad shirkaagi adiga in badan aad u soo halgantay dhulkaagi iyo gobolladaadi dhaxal ab-ka-ab abshan iyo awooweba mustaqbilkii ilmahaagi iyo jiilashayada soo bixi doona miradhalkiisu soo dhowaaday miyaad aamiin tiraahday cadwogaagi faatixada gadaalgadaasha kuugu aqrinayo, miyaase soodhkaagi ama minddiddi adiga kuu xidhnayd intaad cadowga u siibatay haddana isagoon waxba gaadhsiin caloosha isaga fataaqaysaa isla adigii mindhiciradaadi banaanka soo daadsan dhaqtar iyo wax kuu gurmadaa kaana naxaa aanu jirin guudka Soomaaliya, aaway taariikhdaadi, aaway taariikhdii aad kaadirka u ahayd xasuuqii dadkaagi 1991 dii, aaway gumaadka dadkaagi 1995 tii walaal SHiine Macalin Nuurow miyaad illowday waxaasoo dhan?".

Runtii su-aalahaasi iyo kuwo ka badan ayaa ka soo burqanahaya dadyowga Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku kala nool daafaha caalamka iyagoo aad iyo aad ula yaaban waxa helay halyeeygii taallada loo diyaariyey in taariikhdiisa lagu qoro baal dahab ah Mudane SHiine Macalin Nuurow oo dhowaanadan laga waayay kaalintiisii uu ku lahaa dhismaha dowlladda Lixda Gobol Koonfur galbeed kaasoo geeddigiisu ka soconayo xarunta Labaad Lixda gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya Baydhabo.

Dadka qaar waxaa ay leeyihiin SHiine Macalin Nuurow nin xun ma uusan ahayn mana ahan, waa nin qaddiyadda Digil iyo Mirifle iyo Koonfur Galbeedba ay ku weyntahay laakiin walaalkanaga waxaa fasahaadiyey oo madaxa ka qabsaday Mudane SHariif Xasan SHeekh Aadan oo wax damiir ahba uusan lahayn aan ka ahayn inuu shalambeeyo dhiigga dadkiisa iyo dhulkooda maxaa yeelay bay leeyihiin shacabku "Walaalkeen SHiine Macalin Nuurow ka hor intuusan Mudane SHariif Xasan tegin magaalada Baydhabo waa uu caafimaad qabay qaddiyaddana waa uu dhimanyay lagama agmari karahayn laakiin balaayo waxaa ay u timid uun markii Mudane walaalkeen kale SHariif Xasan SHeekh Aadan uu Baydhabo habeeno ku soo hoyday".

Mudane SHiif Xasan SHeekh Aadan gudoomiyihii hore ee dowlladihii isaga kala dambeeyey Ku-Meel-Gaadha Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xantaa inuu yahay daniste calooshii u shaqeyste isbadbaddal badan isagoona shirkii Baydhabo tegitaankiisii war ku hadlay fiican haddana kolkuu ka soo laabtay banaamada ka sheegay hadal aan u munaasib ahayn isaga mansabkiisa mustaqbulka owlaaddiisa iyo aayahay ciziga iyo sharafka iyo karaamada dadkiisa ee uu wax ku yahay barina hadday dhiida gaadho gurmadka uu uga baahanyahay bacdama Soomaaliya qabiil qabiil ay u kala biyo shubatay waxaana warka Mudane SHariif Xasan SHeeh Aadan uu fagaarayaasha saxaafadda ugu sheegay ka mid ahaa in "3 gobol  bis ah loo dhiso dadka Koonfur Galbeed iska leh taasoo ka dhigan seeda-goyn felasha la goynayo ummadda Digil iyo Mirifle oo dad ahaan ugu badan Koonfurta oo dhan halbeeggaas SHariif Xasan oo ka dhigan cuddudda Digil iyo Miriflaha dhibta iyo burburka dhaqandooriska haatan ka soo kabsanaya waagu usoo iftiimay yaan mardambe isu imaan sidaa haku halaagsamaanu waligood.

Ugu dambeyntii shucuubta Koonfur Galbeed oo burursan misna la ildaran dhibaatooyinkii maxaliga ahaa ee loo geystay kolkii ay soo hinqadeen fadkii ka soo muuqday xaggaa iyo Baydhabo Koonfur Galbeed waxaa haddana niyad jab weyn ku ridaya muuqiisa dheer iyo dharar iyo balaadhnidiisa codkanimadii SHiine Macalin Nuurow oo ayan shacbigu shaashada ka arag masuulkaas la huraanka ah oo shirka dhex fadhiya dowllad gobolleedka 6 da xiddig South West State waxaase dadyowga dhibban ay aad u caafimaadi lahaayeen geesigii runta ahaa SHiine Macalin Nuurow oo mar kale ay indhahoodu qabto isagoo kala wada dardartiisii hore ee shirka looga bartay balse waxaan ilaa iyo haatan aan la ogeyn sida Mudane SHiine Macalin Nuurow uu u qancin doono dadkiisi malaayint ah ka dhawraya shaashadahacaalamka codkiisi iyo muuqiisa shirweynaha Lixda gobol isagoo sidiisii hore u raacsan daafacayana qaddiyadda umaddan yeeyda iyo waraabuhu sabadkoodu yuuraro.

Waqtiyiow dhul omosoon webiyadu isdhaafin dheeraa dhexdoodi
yo dhirtu ubax macaan dhalin dhaayaha u roonayn dhallinyaro intaan ahay, Waqtiyow dhismaha guud dowllad aan dhaliilo dhibaatada i gaadhiyo ka warqabin  dharaartuba dhaqanka aan ku noolahay, Waqtiyow la dhaqan dumar lama dhaafi karayee dhalanteedka caashaqa mid aan taban dharaar qur ah ama aanu dhab ka ahayn dhallinyaro intaan ahay, Waqtiow dhurkaagiyo adduunyada dhibkeediyo dhaxalka dooggiyo dhoobadiyo cammuudu kugu dhaarshey diintuye arimaha aan kuu dhigay waxaan ii dhamaynayn ha ii soo dhoweynin dhallinyaro intaan ahay dhagaha iyo araggaba ka dheereey agtaydoo sharaftayda dhawr Waqtiyow !!!!!!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip